Sidee baad u hubisaa in ilkahaaga iyo gowsahaaga caafimaad qabaan? Waa muhiim inaad si fiican u daryeesho ilkahaaga. Markaa si fiican ayaad u calalin kartaa oo si fudud ayaad wax u cuni kartaa. Waxaad sidoo kale yeelan doontaa godad yar iyo barar yar oo ciridka ah. Buug-yarahaan wuxuu kuu sheegayaa sida wanaagsan ee aad ilkahaaga u daryeeli karto.