Daruuro - Boorka Cagaha Ilaahay Rabbigu cadho wuu u gaabiyaa, waana xoog badan yahay, oo kuwa sharka lehna sinaba uma eedla'aan doono. Rabbigu wuxuu jidkiisa ku leeyahay dabaysha cirwareenta ah iyo duufaanka, Daruuruhuna waa ciidda cagihiisa. Naxuum 1:3
Shanta kitaab ee Shanta ah Qaansadayda waxaan gelin doonaa daruurta, waxayna noqon doontaa calaamad u ah axdi dhex yaal aniga iyo dhulka. Oo waxay noqon doontaa, markaan daruur dhulka dul keeno, in qaansada lagu arki doono daruurta dhexdeeda; Qaansaduna waxay ku jiri doontaa daruurta; oo waan fiirin doonaa, si aan u xasuusto axdiga weligiis ah ee dhex yaal Ilaah iyo wax kasta oo nool oo jidh kasta leh oo dhulka jooga. Bilowgii 9:13-14,16 Rabbiguna wuxuu hortooda ku socon jiray maalintii tiir daruur ah inuu iyaga jidka ku hoggaamiyo, habeenkiina tiir dab ah inuu iyaga iftiimiyo, si ay habeen iyo maalinba u socdaan. Maalintii tiirkii daruurta ahaa ma uu ka qaadin, habeenkiina tiirkii dabka ahaa ma uu ka qaadin dadka hortiisa. Baxniintii 13:21-22 Markaasaa malaa'igtii Ilaah oo hor socotay xerada reer binu Israa'iil way soo wareegtay oo daba martay, tiirkii daruurta ahaana wuu ka soo hor wareegay oo wuxuu istaagay gadaashooda. Waxay dhex martay xerada Masriyiinta iyo xerada reer binu Israa'iil, oo waxay u ahayd daruur iyo gudcur, laakiin habeenkii ayay iftiin u muujisay, oo midkoodna habeenkii oo dhan uma soo dhowaan kan kale. Oo waxay noqotay, markii waagii beryay Rabbigu wuxuu ciidanka Masar ka fiiriyey tiirkii dabka iyo daruurta, oo wuxuu dhibay ciidankii Masar, Baxniintii 14:19-20,24 Oo markay Haaruun la hadlayeen shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, waxay eegeen xagga cidlada, oo bal eeg, ammaantii Rabbigu waxay ka muuqatay daruurta. Baxniintii 16:10 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waxaan kuugu iman doonaa daruur qaro weyn, si dadku u maqlaan markaan kula hadlayo, oo ay weligood ku rumaystaan. Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga u sheegay erayadii dadka. Oo maalintii saddexaad subaxdii, waxaa dhacay onkod iyo hillaac, iyo daruur qaro weyn oo buurta dul saarnayd, iyo cod buun oo aad u weyn, sidaas darteed dadkii xerada ku jiray oo dhammu way gariireen. Baxniintii 19: 9,16 Markaasaa Muuse wuxuu fuulay buurta, oo daruur baa qarisay buurta. Ammaantii Rabbiguna waxay dul joogtay Buur Siinay, daruurtuna waxay qarisay lix maalmood, maalintii toddobaadna wuxuu Muuse uga yeedhay daruurtii dhexdeeda. Markaasaa Muuse wuxuu galay daruurtii dhexdeeda, oo