Amarkii Reer Reekaab Boqorradii Labaad 10:15-28 15 Oo markuu halkaas ka tegey ayuu la kulmay Yehoonaadaab ina Reekaab oo soo socda inuu ka hor tago, oo intuu salaamay ayuu ku yidhi, Qalbigaagu ma qumman yahay sida qalbigaygu ula jiro qalbigaaga? Markaasaa Yehoonaadaab ku yidhi, Waa yahay. Hadday saas tahay, gacanta ii dhiib. Markaasuu gacantiisii u dhiibay, oo wuxuu isagii u soo qaaday gaadhifaraskiisii. 16 Markaasuu ku yidhi, I raac, oo fiiri qiirada aan u qabo Rabbiga. Markaasay gaadhifaraskiisii fuuleen. 17 Oo markuu Samaariya yimid ayuu wada laayay intii Axaab Samaariya ku hadhay oo dhan ilaa uu ka baabbi'iyey, sidii Rabbigu kula hadlay Eliiyaah. 18 Markaasaa Yeehuu soo urursaday dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Axaab wax yar buu Bacal u adeegi jiray, laakiinse Yeehuu si weyn buu ugu adeegi doonaa. 19 Haddaba sidaas daraaddeed iigu yeedha nebiyadii Bacal oo dhan, iyo addoommadiisii oo dhan, iyo wadaaddadiisii oo dhan; oo midna yuusan ka maqnaan, waayo, allabari weyn baan u bixinayaa Bacal; oo ku alla kii ka maqnaadaa ma noolaan doono. Laakiinse Yeehuu si khiyaanaysan buu u sameeyey si uu u baabbi'iyo kuwa Bacal caabuda. 20 Markaasaa Yeehuu yidhi, Shir weyn Bacal u yeedha. Oo iyana way naadiyeen. 21 Markaasaa Yeehuu u cid diray Israa'iil oo dhan, oo dadkii Bacal caabudi jiray oo dhammu way yimaadeen, oo nin aan iman ma jirin. Markaasay waxay galeen gurigii Bacal; gurigii Bacalna wuxuu ka buuxsamay gees ilaa gees. 22 Markaasuu ku yidhi kii dharka u sarreeyey, Dhammaan dadkii Bacal caabudi jiray dhar u keen. Markaasuu dhar u keenay. 23 Markaasaa Yeehuu iyo Yehoonaadaab ina Reekaab waxay galeen gurigii Bacal, oo wuxuu ku yidhi kuwii Bacal caabudayay, Baadh oo iska fiiriya inaan halkan addoommadii Rabbiga midkoodna idinla joogin, laakiinse aad caabuddaan Bacal oo keliya. 24 Oo markay galeen inay allabaryo iyo qurbaanno la gubo bixiyaan, Yeehuu wuxuu dibadda u soo saaray siddeetan nin, oo wuxuu ku yidhi, Haddii mid ka mid ah dadkii aan gacantiinna soo geliyey uu baxsado, kii sii daaya, naftiisa waxaa loo celin doonaa naftiisa. 25 Oo markuu dhammeeyey allabarigii gubista, Yeehuu wuxuu askartii iyo saraakiishii ku yidhi, Gala oo laaya, oo yaan midna soo bixin. Markaasay seef ku laayeen, oo askartii iyo saraakiishiina way dibadda u tuureen, oo waxay tageen magaaladii guriga Bacal. 26 Oo sanamyadiina waxay ka soo bixiyeen gurigii Bacal, wayna gubeen. 27 Wayna dumiyeen tiirkii Bacal, oo waxay dumiyeen gurigii Bacal, oo ilaa maantadan la joogo waxay ka dhigeen meel biyo lagu daadiyo. 28 Sidaasuu Yeehuu Bacal uga baabbi'iyey Israa'iil.
Oo qolooyinkii karraaniyadii Yacbees degganaana waxay ahaayeen reer Tircaatii, iyo reer Shimcaatiim, iyo reer Suukaatiim. Kuwaasu waa reer Qeynkii ka soo farcamay Xamaad, oo ahaa aabbaha reer Reekaab. 1 Taariikhdii 2:55 Iriddii Digadana waxaa cusboonaysiiyey Malkiyaah ina Reekaab oo ahaa taliyihii qayb ka mid ah Beythakerem, wuuna dhisay, oo wuxuu qotomiyey albaabbadeedii, iyo qufulladeedii, iyo qataarradeedii. Nexemyaah 3:14 Yeremyaah 35:1-19 1 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, 2. U tag guriga reer Reekaab, oo la hadal, oo guriga Rabbiga geli mid ka mid ah qolalka, oo sii khamri ay cabbaan. 3 Markaasaan soo kaxaystay Ya'asanyaah ina Yeremyaah oo ahaa ina Habasinyaah, iyo walaalihiis, iyo wiilashiisii oo dhan, iyo reerkii reer Reekaab oo dhan, 4 Markaasaan gurigii Rabbiga keenay, oo waxaan geliyey qolkii wiilashii Xanaan oo ahaa ina Yigdalyaah oo ahaa nin Ilaah, oo ku ag yiil qolkii amiirrada, oo ka korreeyey qolkii Macaseeyaah ina Shalluum oo ahaa iridda waardiyaha ahaa. 5 Markaasaan wiilashii reer Reekaab hor dhigay dheriyo khamri iyo koobab ka buuxaan, oo waxaan ku idhi, Khamriga cabba. 6 Laakiinse waxay yidhaahdeen, Annagu khamri cabbi mayno, waayo, awowgayo Yoonaadaab oo ahaa ina Reekaab ayaa nagu amray oo nagu yidhi, Idinku iyo wiilashiinnuba weligiin khamri ha cabbina. 7 Gurina ha dhisanina, abuurna ha beeranina, beercanabna ha beeranina, waxna ha yeelanina, laakiinse cimrigiinna oo dhan waxaad degganaataan teendhooyin si aad maalmo badan ugu noolaataan dalka aad qariibka ku tihiin. 8 Oo sidaas daraaddeed ayaan u addeecnay codkii awowgayo Yoonaadaab ina Reekaab oo nagu amray wax kasta oo uu nagu amray inaannan khamri cabbin cimrigeenna oo dhan, annaga, iyo naagahayaga, iyo wiilashayada, iyo gabdhahayaguba. 9 Oo annagu guryo aan ku degnona ma dhisanno, oo beero canab ah, ama beero, ama iniinyo midhona ma lihin. 10 Laakiin teendhooyin baannu ku degganayn, oo waannu addeecnay, oo waannu samaynay wixii awowgayo Yoonaadaab nagu amray oo dhan. 11 Laakiin markii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu dalka yimid ayaannu nidhi, Ina keena oo aynu Yeruusaalem u tagno cabsi ay naga qabaan ciidanka reer Kaldayiin iyo ciidanka reer Suuriya, sidaas daraaddeed ayaan Yeruusaalem ku deggan nahay. 12 Markaasaa eraygii Rabbigu Yeremyaah u yimid oo wuxuu ku yidhi, 13 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba u sheeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, War, miyeydaan waxbarid qaadanayn inaad erayadayda maqashaan? 14 Erayadii Yoonaadaab ina Reekaab uu wiilashiisa ku amray inayan khamri cabbin waa la oofiyey, waayo, ilaa maantadan la joogo iyagu ma cabbaan, laakiin waxay addeecaan amarkii aabbahood. 15 Oo weliba waxaan idiin soo diray nebiyadii addoommadayda ahaa oo dhan, anigoo goor hore kacaya oo idiin soo diraya, oo idinku leh, Midkiin kastaaba ha ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, oo falimihiinna hagaajiya, oo ilaahyo kale ha daba gelin inaad u adeegtaan, oo waxaad degganaan doontaan dalkii aan idin siiyey idinka iyo awowayaashiinba, laakiinse dheg uma aydaan dhigin, oo ima aydaan dhegaysan. 16 Wiilashii Yoonaadaab ina Reekaab waxay wada oofiyeen amarkii aabbahood uu iyaga ku amray, laakiinse dadkanu ima ay dhegaysan.
2
17 Sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan oo dhan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, waayo, waan la hadlay, laakiinse ma ay maqlin, waanan u yeedhay, laakiinse iima ay jawaabin. 18 Markaasaa Yeremyaah wuxuu reer Reekaab ku yidhi, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Idinku waxaad addeecdeen amarkii aabbahaa Yoonaadaab, oo waxaad dhawrteen qaynuunnadiisii oo dhan, oo waxaad samayseen wixii uu idinku amray oo dhan, 19 Haddaba Rabbiga ciidammada, Ilaaha reer binu Israa'iil, wuxuu leeyahay, Yoonaadaab ina Reekaab weligiis ma waayi doono nin hortayda istaaga.
3