Skip to main content

Somali - The Lightning and the Thunder

Page 1

Hillaac iyo Onkod Markuu amar ku bixiyay roobka, iyo jid uu u maro hillaaca onkodka, Markaasuu arkay oo caddeeyey; wuu diyaariyey, oo baadhay. Oo wuxuu binu-aadmiga ku yidhi, Bal eeg, cabsida Rabbiga ayaa xigmad ah, sharkana ka fogaanshaha waa waxgarasho. Ayuub 28:26-28

Shanta kitaab ee Shanta ah Markaasaa Muuse ushiisii u fidiyey xagga samada, oo Rabbigu wuxuu soo diray onkod iyo roobdhagaxyaale, dabna dhulka ayuu ku da'ay; oo Rabbiguna wuxuu ku soo daayay roobdhagaxyaale dalka Masar. Rabbiga barya (waayo, waa ku filan tahay) inaan onkod iyo roobdhagaxyaale xoog leh mar dambe dhicin; oo waan idin sii dayn doonaa, oo idinku mar dambe ma sii joogi doontaan. Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi, Isla markii aan ka baxo magaalada, gacmahayga ayaan Rabbiga u kala bixin doonaa, oo onkodkuna wuu joogsan doonaa, roobdhagaxyaale dambena ma jiri doono, si aad u ogaato in dhulku yahay kan Rabbiga. Markaasaa Muuse magaaladii ka baxay isagoo ka fog Fircoon, oo gacmihiisii buu u fidiyey Rabbiga. Oo onkodkii iyo roobkii dhagaxa lahaana way joogsadeen, roobkiina dhulka kuma da'in. Fircoonna markuu arkay in roobkii iyo roobdhagaxyaale iyo onkodkiiba ay joogsadeen, ayuu sii dembaabay, oo qalbigiisiina wuu sii adkeeyey, isaga iyo addoommadiisiiba. Baxniintii 9:23 , 28-29, 33-34 Oo maalintii saddexaad subaxdii, waxaa dhacay onkod iyo hillaac, iyo daruur qaro weyn oo buurta dul saarnayd, iyo cod buun oo aad u weyn, sidaas darteed dadkii xerada ku jiray oo dhammu way gariireen. Baxniintii 19:16 Oo dadkii oo dhammuna waxay arkeen onkodkii, iyo hillaacii, iyo dhawaaqii buunka, iyo buurtii qiiqaysay; oo markii dadkii arkay ayay gariireen oo meel fog istaageen. Baxniintii 20:18

Taariikh Cadaawayaasha Rabbiga waa la burburin doonaa, samada ayuu kaga soo onkodi doonaa, Rabbigu wuxuu xukumi doonaa darafyada dhulka, Oo wuxuu xoog siin doonaa boqorkiisa, Oo wuxuu sarraysiin doonaa geeska kiisa subkan. Samuu'eel Kowaad 2:10 Oo intii Samuu'eel bixinayay allabariga la gubo, reer Falastiin waxay u soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer binu Israa'iil; laakiinse Rabbigu maalintaas wuxuu reer Falastiin ku soo daayay onkod weyn, wuuna baabbi'iyey, oo reer binu Israa'iil hortooda ayay ku laayeen. Samuu'eel Kowaad 7:10


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook