Skip to main content

Somali - The First Epistle of John

Page 1

Warqaddii kowaad ee Yooxanaa CUTUBKA 1-AAD 1 Waxa tan iyo bilowgii jiray, oo aynu maqalnay, oo aynu indhahayaga ku aragnay, oo aynu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen hadalka nolosha. 2 (Waayo, noloshu waa soo muuqatay, waannu aragnay, oo waannu marag furaynaa, oo waxaannu idin tusinaynaa nolosha weligeed ah oo Aabbaha la jirtay oo noo muuqatay.) Wixii aannu aragnay oo aannu maqalnay waannu idiinka warramaynaa, inaad idinkuna nagu soo biirtaan; 4 Oo waxaannu waxyaalahan idiinku soo qoraynaa inay farxaddiinnu buuxsanto. 5 Haddaba tanu waa farriintii aannu ka maqalnay isaga, oo aannu idiinku warramaynaa in Ilaah nuur yahay, oo isaga innaba gudcur kuma jiro. 6 Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno. 7 Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehel baynu isla wadaagnaa, oo dhiigga Ciise Masiix oo Wiilkiisa ah ayaa dembi oo dhan inaga nadiifiya. 8 Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafteena ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto. 9 Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caaddil inuu dembiyadayada inaga cafiyo oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan. 10 Haddaynu nidhaahno, Ma aynu dembaabin, waxaynu ka dhignaa beenaaleh, oo eraygiisu inaguma jiro. CUTUBKA 2AAD 1 Carruurtaydiiyey, waxaan waxyaalahan idiin soo qorayaa si aydnaan u dembaabin. Nin uun hadduu dembaabo, waxaynu xagga Aabbaha ku leennahay doode, waana Ciise Masiix kan xaqa ah. 2 Oo isagu wuxuu dembiyadeenna u yahay kafaaraggudka; 3 Oo taas ayaynu ku garanaynaa inaynu naqaan isaga, haddaynu qaynuunnadiisa xajinno. 4 Kii yidhaahda, Waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa dhawrin, waa beenaaleh, oo runtuna kuma jirto isaga. 5 Laakiin ku alla kii ereygiisa xajiya, runtii isagay jacaylka Ilaah ku dhan yihiin isaga. Taasaynu ku garanaynaa inaynu isaga ku jirno. 6 Kii yidhaahda, waan ku sii jiraa isaga, isaga qudhiisu waa inuu sidaas u socdo siduu u socday. 7 Walaalayaalow, qaynuun cusub idiin soo qori maayo, laakiin waxaan idiin soo qori doonaa qaynuun hore oo aad tan iyo bilowgii haysateen. Qaynuunkii hore waa hadalkii aad bilowgii maqasheen. 8 Oo haddana waxaan idiin soo qorayaa qaynuun cusub, kaas oo isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah, maxaa yeelay, gudcurku waa dhammaaday, oo nuurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa.

9 Kan yidhaahda, nuurkaan ku jiraa, oo walaalkii neceb, wuxuu ku jiraa gudcur ilaa imminka. 10 Kan walaalkii jecel, nuurkuu ku jiraa, oo wax lagu xumaado kuma jiro isaga. 11 Laakiin kan walaalkii neceb, gudcurkuu ku jiraa, oo gudcurkuu ku socdaa, oo garan maayo meeshuu u socdo, maxaa yeelay, gudcurkaa indhihiisa tiray. 12 Wax baan idiin soo qorayaa, carruurtiiyey, maxaa yeelay, dembiyadiinnii waa laydinka cafiyey magiciisa aawadiis. 13 Aabbayaashow, wax baan idiin soo qorayaa, waayo, waxaad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay, waxaad ka adkaateen kan sharka leh. Wax baan idiin soo qorayaa, carruurtiiyey, waayo, Aabbaha waad garanaysaan. 14 Aabbayaashow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waxaad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga dhallinyarada ahow, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad xoog badan tihiin, oo ereyga Ilaah baa idinku jira, oo waxaad ka adkaateen kan sharka ah. 15 Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona, ha jeclaanina. Nin uun hadduu dunida jecel yahay, jacaylka Aabbaha kuma jiro isaga. 16 Waayo, waxa dunida ku jira oo dhan, kuwaas oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida. 17 Oo dunidu way idlaanaysaa, iyo damaceedu, laakiin kan doonista Ilaah yeelaa wuu waaraa weligiisba. 18 Carruurtiiyey, waa wakhtiga ugu dambeeya. taas oo aan ku ogaanay inay tahay markii ugu dambaysay. 19 Way naga baxeen, laakiin kuweenna ma ay ahayn; Hadday kuweenna ahaan lahaayeen, hubaal way inala sii joogi lahaayeen, laakiin waxay u soo baxeen si ay u muujiyaan inaanay kulligayo ahayn. 20 Laakiin waxaad leedihiin subkii ka yimid kan Quduuska ah, oo wax walba waad taqaaniin. 21 Wixii aan idiin soo qoray uma aan soo qorin aqoonla'aantiinna runta aawadeed, laakiin waxaan u soo qoray inaad taqaaniin iyo inaanay beenina runta ka iman aawadood. 22 Waa ayo beenaaleh kan inkira inuu Ciise yahay Masiixa mooyaane? Isagu waa kan Masiixa ka geesta ah, kan inkira Aabbaha iyo Wiilka. 23 Ku alla kii Wiilka diidaa, kaasu Aabbaha ma laha, laakiin kii Wiilka qirtaa Aabbahana wuu leeyahay. 24 Haddaba wixii aad tan iyo bilowgii maqlayseen ha idinku sii jiro. Haddii wixii aad tan iyo bilowgii maqlayseen ay idinku jiraan, idinkuna waxaad ku sii jiri doontaan Wiilka iyo Aabbaha. 25 Oo kanu waa ballankii uu inoo ballanqaaday oo ah nolosha weligeed ah. 26 Waxyaalahan ayaan idiin soo qoray wax ku saabsan kuwa idin sasabaya. 27 laakiin subkidda aad isaga ka hesheen way idinku sii jirtaa idinka, oo uma baahnidin in ninna wax idin baro, laakiin subkidda aad wax walba idiin barato, oo ay run tahay oo aan been ahayn, iyo siduu wax u bartay. Idinku waa inaad ku sii jirtaan isaga. 28 Haddaba, carruurtiiyey, ku sii jira isaga; si aynu kalsooni u yeelanno goortuu muuqdo, oo aynaan imaatinkiisa ka xishoon hortiisa.


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook