Sabuurrada CUTUBKA 1AAD 1 Waxaa barakaysan ninka aan ku socon talada kuwa sharka leh, Oo aan hor istaagin jidka dembilayaasha, Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada. 2 Laakiinse wuxuu ku farxaa sharciga Rabbiga; Oo habeen iyo maalin sharcigiisuu ku fikiraa. 3 Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray webiyaasha biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda. caleentiisuna ma engegi doonto; Wax kasta oo uu sameeyona way liibaansan doontaa. 4 Kuwa sharka lahu sidaas ma aha, Laakiinse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso. 5 Sidaas daraaddeed kuwa cibaadalaawayaasha ahi sooma dhex geli doonaan xukunka, Dembilayaashuna isma dhex taagi doonaan kuwa xaqa ah ururkooda. 6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka leh jidkoodu waa baabbi'i doonaa. CUTUBKA 2AAD 1 Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan, Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba tarayn? 2 Boqorrada dhulku way isa soo taageen, taliyayaashiina waxay u wada tashaday wax ka gees ah Rabbiga iyo kiisa subkan, oo waxay yidhaahdaan, 3 Aynu iska jebinno xadhkahooda, oo aynu xadhkohooda iska tuurno. 4 Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidkuna iyaga wuu ku majaajiloon doonaa. 5 Markaasuu isagoo cadhaysan kula hadli doonaa, Oo dhirifkiisa aad buu u dhibi doonaa. 6 Laakiinse boqorkaygii waxaan fadhiisiyey buurtayda quduuska ah oo Siyoon. 7 Amar baan ku dhawaaqayaa, oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga; maantaan ku dhalay. 8 I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dhulka meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa. 9 Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah; Waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha. 10 Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha. 11 Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya. 12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane markii uu aad u cadhoodo in yar. Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan. CUTUBKA 3AAD Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey markuu wiilkiisii Absaaloom ka cararay. Rabbiyow, kuwii i dhibay sidee bay u bateen! Kuwa igu kaca waa badan yihiin. 2 Waxaa jira kuwo badan oo naftayda wax ka sheegaa oo leh, Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah) 3 Laakiinse, Rabbiyow, waxaad ii tahay gaashaan; Ammaantayda, iyo kan madaxayga kor u qaadaya.
4 Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayshaday, Oo isna wuxuu iga maqlay buurtiisa quduuska ah. (Selaah) 5 Waan jiifsaday oo waan seexday; Waxaan toosay; waayo, Rabbigu waa i tiriyey. 6 Ka cabsan maayo kumanyaal kun oo dadka igu hareereeyey. 7 Rabbiyow, sara joogso; Ilaahayow, i badbaadi, waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka. Kuwa sharka leh ilkahoodii waad jejebisay. 8 Badbaado waxaa leh Rabbiga, Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah) CUTUBKA 4AAD 1 Ilaaha xaqnimadaydow, markaan ku baryo, i maqal markii aan ku baryo. Ii naxariiso, oo baryadayda maqal. 2 Wiilka Aadamow, ilaa goormaad sharaftayda ceeb u beddelaysaan? Ilaa goormaad wax aan waxba tarayn jeclayn, oo ilaa goormaad wax kirayseen doondoonaysaan? (Selaah) 3 Laakiinse ogaada in Rabbigu soocay kii cibaado leh, Rabbigu wuu maqli doonaa markaan u yeedho isaga. Cabsada oo ha dembaabina, Qalbigiinna kula hadla sariirtiinna, oo aamusa. (Selaah) 5 Oo allabaryada xaqnimada bixiya, oo Rabbiga isku halleeya. 6 Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya? Rabbiyow, iftiinka wejigaaga kor noogu qaad. 7 Qalbigayga waxaad gelisay farxad ka sii badan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordheen. 8 Nabad baan ku jiifsan doonaa oo waan seexan doonaa, Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu dejiya. CUTUBKA 5-AAD 1 Rabbiyow, erayadayda dhegta u dhig, Oo ka fiirso fikirradayda. Boqorkaygiiyow, Ilaahayow, codka baryadayda maqal, waayo, adigaan ku baryayaa. 3 Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa; Aroorta ayaan baryootankayga xaggaaga kuu soo jeedin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa. 4 Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa, Oo shar kugula degganaan maayo. 5 Nacasyadu hortaada soo istaagi maayaan, Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan. 6 Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla, Rabbigu wuu karhay kan dhiigga qaba oo khaa'inka ah. 7 Laakiinse anigu waxaan gurigaaga ku soo geli doonaa naxariistaada badan, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukanayaa. Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami. Jidkaaga ku toosi hortayda. 9 Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto; Oo xaggooda hoose waa xumaan weyn; cunahoodu waa qabri bannaan; Waxay ku faani jireen carrabkooda. 10 Ilaahow, iyaga baabbi'i; Taladooda ha ku dhaceen. Iyaga u erya xadgudubyadoodii badnaa aawadood; waayo, way kugu caasiyoobeen. 11 Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen, Farxad ha ku qayliyeen weligood, maxaa yeelay, adiguad difaacday iyaga, Oo kuwa magacaaga jeceluna ha kugu farxeen.