Skip to main content

Somali - The Book of Prophet Amos

Page 1

Caamoos

maalinta dagaalka iyadoo lagu qaylinayo, oo maalinta dabaysha cirwareentana duufaan baa la iman doonta. 15 Rabbigu wuxuu leeyahay, Boqorkooda maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa isaga iyo amiirradiisaba.

CUTUBKA 1-AAD

CUTUBKA 2AAD

Kuwanu waa erayadii Caamoos oo ka mid ahaa xoolojirradii reer Teqooca, ee uu ku arkay oo ku saabsanaa dalka Israa'iil waagii Cusiyaah dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, iyo wakhtigii Yaaraabcaam ina Yoo'aash dalka Israa'iil boqorka ka ahaa, oo laba sannadood ka hor dhulgariirkii. 2 Oo isna wuxuu yidhi, Rabbigu Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu Yeruusaalem kaga hadli doonaa. Oo rugaha adhijirradu way barooran doonaan, oo Karmel dhaladeeduna way engegi doontaa. 3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay Dimishaq sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin. maxaa yeelay, waxay Gilecaad ku tunteen alaab bir ah oo wax lagu tumo. 4 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa guriga Xasaa'eel, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn ee Benhadad. 5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Qataarkii Dimishaq waan jebin doonaa, oo bannaanka Aawen ayaan dadka deggan ka baabbi'in doonaa, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ceeden ka gooyn doonaa, oo dadka Suuriyana maxaabiis ahaan baa loogu kaxaysan doonaa Qiir. 6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay Gaasa sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin. maxaa yeelay, maxaabiis ahaan bay u kaxaysteen oo dhan si ay ugu gacangeliyaan Edom. 7 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Gaasa, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn. 8 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Ashdood dadka deggan waan ka baabbi'in doonaa, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan Ashqeloon ka baabbi'in doonaa, oo gacantaydaan Ceqroon ku soo jeedin doonaa, oo kuwa reer Falastiinna way halligmi doonaan. 9 Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay Turos sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin. maxaa yeelay, iyagu dadkii oo dhan ayay Edom u gacangeliyeen, oo ma ay xusuusan axdigii walaalnimada. 10 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Turos, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn. 11 Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Edom sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin. maxaa yeelay, walaalkiis seef buu ku eryanayay, naxariis oo dhanna wuu iska tuuray, cadhadiisiina weligeedba way dildillaacday, oo cadhadiisiina weligeed buu dhawray. 12 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa Teemaan, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn ee Bosraah. 13 Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Cammoon sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin. maxaa yeelay, waxay dooxeen naagihii uurka lahaa oo reer Gilecaad si ay soohdintooda u ballaadhiyaan. 14 Laakiinse dab baan ku dayn doonaa Rabbaah oo dhan, oo daaraheeda waaweynna wuxuu wada laasan doonaa

1 Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Moo'aab sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin. maxaa yeelay, isagu wuxuu gubay lafihii boqorka Edom oo nuurad ka dhigay. 2 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Moo'aab, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Qiryood, oo Moo'aabna wuxuu ku dhiman doonaa buuq iyo qaylo iyo buunka dhawaaqiisa. 3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu xaakinka waan ka baabbi'in doonaa, oo amiirradiisa oo dhanna waan la layn doonaa. 4 Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Yahuudah sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin. maxaa yeelay, Rabbiga sharcigiisii way quudhsadeen, oo amarradiisiina ma ay xajin, oo beentoodii ayaa iyaga qalday oo ay awowayaashood ku socdeen. 5 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem. 6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer binu Israa'iil sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin. maxaa yeelay, kii xaqa ahaa lacag bay ku iibiyeen, masaakiintiina waxay ku iibiyeen laba kabood; 7 Oo u haradiya ciidda dhulka oo madaxa masaakiinta, oo ka leexiya jidka kuwa camalka qabow, oo nin iyo aabbihiisba waxay u geli doonaan isku gabadh si ay magacayga quduuska ah nijaaseeyaan. 8 Oo meel kasta oo allabariba agteeda ayay ku jiifsadeen dhar rahmad loo dhigo, oo waxay guriga ilaahood ku dhex cabbeen khamrigii kuwa la xukumay. 9 Oo weliba waxaan hortooda ka baabbi'iyey kii reer Amor oo sarajooggiisu ahaa sida sarajoogga geedaha kedarka ah, oo u xoog badnaa sida geedaha alloonka oo kale; Weliba midhihiisaan ka baabbi'iyey xagga sare, Oo xididdadiisiina hoostaan ka baabbi'iyey. 10 Oo weliba dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo afartan sannadood ayaan cidladii idinku dhex hoggaamiyey, inaad hantidaan dalkii reer Amor. 11 Oo wiilashiinna waxaan ka kiciyey nebiyo, oo raggiinnii dhallinyarada ahaana waxaan ka kiciyey Nadiir. Dadka Israa'iilow, sow saas ma aha? Rabbigu wuxuu leeyahay. 12 Laakiinse idinku Nadiiriintii waxaad siiseen khamri ay cabbaan; oo nebiyadii amray oo ku yidhi, Waxba ha sii sheegina. 13 Bal eega, hoostaadaan ugu cusboonaaday sida gaadhi xidhmo ka buuxo loo riixo oo kale. 14 Haddaba kuwa dheereeya cararku waa ka baabbi'i doonaa, oo kan xoogga badanuna xooggiisa ma uu xoogaysan doono, oo kan xoogga badanuna isma samatabbixin doono. 15 Oo kii qaansada xanaana ma istaagi doono; Oo kii cago dheereeyaa isma samatabbixin doono, oo kii faraska fuulana isma samatabbixin doono.


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook