Skip to main content

Somali - The Book of Judges

Page 1

Garsoorayaal CUTUBKA 1AAD 1 Haddaba Yashuuca markuu dhintay dabadeed ayay reer binu Israa'iil Rabbiga weyddiisteen, oo yidhaahdeen, Bal yaa marka hore reer Kancaan noogu soo kici doona oo ina la diriraya? 2 Markaasaa Rabbigu yidhi, Dadka Yahuudah waa soo bixi doonaan, oo bal eeg, dalka gacantiisaan geliyey. 3 Markaasaa Yahuudah wuxuu walaalkiis Simecoon ku yidhi, Kaalay oo qaybtayda ii raac aan reer Kancaan la dirirnee; oo anna qaybtaada ayaan ku raaci doonaa. Simecoonna wuu raacay. 4 Markaasaa Yahuudah tegey; oo Rabbigu wuxuu gacantoodii geliyey reer Kancaan iyo reer Feris, oo waxay Beseq kaga laayeen toban kun oo nin. 5 Oo waxay Beseq ka heleen Adonii Beseq, oo way la dirireen, oo waxay laayeen reer Kancaan iyo reer Feris. 6 Laakiinse Adonii Beseq waa cararay; Markaasay eryadaan oo qabteen isagii, oo waxay ka gooyeen suulashiisii lugaha. 7 Markaasaa Adonii Beseq wuxuu yidhi, Toddobaatan boqor oo suulashahooda iyo faraha lugaha laga gooyay ayaa cuntadoodii ka soo urursan jiray miiskayga hoostiisa; Markaasay isagii keeneen Yeruusaalem, oo halkaasuu ku dhintay. 8 Haddaba reer Yahuudah Yeruusaalem bay la dirireen, oo intay qabsadeen ayay seef ku laayeen, magaaladiina dab bay qabadsiiyeen. 9 Oo dabadeedna reer Yahuudah waxay u dhaadhaceen inay la diriraan reer Kancaankii degganaa buurta iyo xagga koonfureed iyo xagga dooxadaba. 10 Oo reer Yahuudah waxay ku duuleen reer Kancaan oo degganaa Xebroon, (wagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac;) oo waxay dileen Sheeshay iyo Axiiman iyo Talmay. 11 Oo halkaasuu ka tegey oo ku duulay dadkii Debiir degganaa, oo waagii hore Debiir magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Sefer. 12 Markaasaa Kaaleeb yidhi, Kii Qiryad Sefer intuu wax ku dhufta qabsada, waxaan siinayaa gabadhayda Caksaah inuu guursado. 13 Markaasaa Cotnii'eel ina Qenas kii Kaaleeb walaalkiisii yaraa qabsaday, markaasuu Caksaah u guuriyey. 14 Oo markay isagii u timid ayay ku deddejisay inuu aabbeheed beer weyddiisto; Markaasaa Kaaleeb wuxuu iyadii ku yidhi, Maxaad doonaysaa? 15 Markaasay ku tidhi, Barako i sii, waayo, waxaad i siisay dalka koonfureed; I sii ilo biyo ah. Kaaleebna wuxuu iyadii siiyey ilihii sare iyo ilihii hoose. 16 Markaasaa kii reer Qeyn oo Muuse soddog u ahaa waxay reer Yahuudah uga baxeen magaaladii geedaha timirta ahayd, oo waxay tageen cidladii Yahuudah oo ku taal Caraad xaggeeda koonfureed; oo intay tageen ayay dadkii dhex degeen. 17 Markaasaa Yahuudah raacay walaalkiis Simecoon, oo waxay dileen reer Kancaan oo Sefaad degganaa, oo dhammaanteed way baabbi'iyeen. Oo magaalada magaceedana waxaa la odhan jiray Xormaah.

18 Oo reer Yahuudah waxay qabsadeen Gaasa iyo soohdinteedii, iyo Ashqeloon iyo soohdinteedii, iyo Ceqroon iyo soohdinteedii. 19 Oo Rabbigu waa la jiray dadkii Yahuudah; oo dadkii buurta degganaa wuu ka eryay; laakiinse ma ay eryi karin dadkii dooxada degganaa, maxaa yeelay, waxay haysteen gaadhifardood bir ah. 20 Oo waxay Kaaleeb siiyeen Xebroon, sidii Muuse yidhi, oo isna halkaas wuu ka eryay Canaaq saddexdiisii wiil. 21 Oo reer Benyaamiinna ma ay eryin reer Yebuus oo Yeruusaalem degganaa; laakiinse reer Yebuus waxay reer Benyaamiin Yeruusaalem la deggan yihiin ilaa maantadan la joogo. 22 Oo reer Yuusufna waxay ku kaceen Beytel, oo Rabbiguna waa la jiray iyagii. 23 Markaasaa reer Yuusuf u cid direen inay Beytel soo sheegaan. (Hadda magaalada magaceedu waagii hore wuxuu ahaa Luus.) 24 Markaasaa nimankii basaasyada ahaa waxay arkeen nin magaalada ka soo baxay, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye na tus meesha magaalada laga galo, oo annana waannu kuu naxariisanaynaa. 25 Oo markuu tusay iriddii magaalada laga soo geli jiray ayay magaaladii seef ku laayeen; laakiinse way iska sii daayeen ninkii iyo reerkiisii oo dhanba. 26 Markaasaa ninkii wuxuu tegey dalkii reer Xeed, oo magaalo ka dhisay, oo magaceediina wuxuu u bixiyey Luus, oo isna waa magaceeda ilaa maantadan la joogo. 27 Oo Manaseh ma uu eryin dadkii degganaa Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, iyo Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Iblecaam iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii; 28 Oo markii reer binu Israa'iil aad u xoogaysteen ayay reer Kancaan addoonsadeen, oo ma ay wada eryin. 29 Oo reer Efrayimna ma ay eryin reer Kancaan oo Geser degganaa; laakiinse reer Kancaan waxay degeen Geser dhexdooda. 30 Sebulunna ma ay eryin dadkii degganaa Qitroon, iyo dadkii degganaa Nahalaal; laakiinse reer Kancaan ayaa dhex degganaa oo addoommo u noqday. 31 Oo reer Aasheerna ma ay eryin dadkii degganaa Cakoo, iyo kuwii Siidoon degganaa, ama kuwii Alaxlab, ama kuwii Aksiib, ama kuwii Xelbaah, ama kuwii Afiq, ama kuwii Rexob; 32 Laakiinse reer Aasheer waxay dhex degganaayeen reer Kancaan oo ahaa dadkii dalka degganaa, waayo, ma ay eryin. 33 Oo reer Naftaalina ma ay eryin dadkii degganaa Beytshemesh iyo dadkii degganaa Beytcanaad; laakiinse wuxuu degay reer Kancaan oo ahaa dadkii dalka degganaa, habase yeeshee dadkii degganaa Beytshemesh iyo Beytcanaad addoommo bay u noqdeen. 34 Oo reer Amorna waxay ku qasbeen reer Daan buurtii, waayo, uma ay oggolaan inay u soo degaan xagga dooxada. 35 Laakiinse reer Amor waxay doonayeen inay degganaadaan Buur Xeres oo Ayaaloon iyo Shacalbiim ku taal; 36 Oo soohdintii reer Amor waxay ahayd tan iyo meesha laga fuulo iyo ilaa Caqrabbiim iyo tan iyo dhagaxa weyn iyo xagga sare.


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Somali - The Book of Judges by Filipino Tracts and Literature Society Inc. - Issuu