Yashuuca CUTUBKA 1AAD 1 Haddaba addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa geeridiisii dabadeed ayaa Rabbigu la hadlay Yashuuca ina Nuun oo Muuse midiidin u ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Addoonkaygii Muuse waa dhintay; Haddaba kaca, oo Webi Urdun ka gudba adiga iyo dadkan oo dhammu, oo waxaad u gudubtaan dalka aan siinayo iyaga oo ah reer binu Israa'iil. 3 Oo meel kasta oo cagtiinnu ku joogsato ayaan idin siiyey sidaan Muuse ugu sheegay. 4 Oo soohdintiinnu waxay ahaan doontaa tan iyo cidlada, iyo Lubnaantan, iyo xataa tan iyo webiga weyn oo ah Webi Yufraad, iyo dalka reer Xeed oo dhan, iyo tan iyo badda weyn xagga qorrax-u-dhaca. Cimrigaaga oo dhan ninna ma awoodi doono inuu ku hor istaago, oo sidaan Muuse ula jiray ayaan adigana kula jiri doonaa. Kuuma aan gabi doono, kumana dayrin doono. 6 Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxal ahaan u qaybin doontaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siinayo. 7 Laakiinse adigu xoog yeelo oo aad u dhiirranow inaad xajisid oo aad yeeshid sharcigii addoonkaygii Muuse kugu amray oo dhan; 8 Kitaabkan sharcigu waa inuusan afkaaga ka bixin; laakiinse waa inaad u fiirsataa habeen iyo maalinba, si aad u dhawrtid oo aad samaysid waxa ku qoran oo dhan; 9 Miyaanan ku amrin? Xoog yeelo, oo aad u dhiirranow; Ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa kula jira meel kastoo aad tagtidba. 10 Markaasaa Yashuuca amray saraakiishii dadka, oo ku yidhi. 11 Oo xerada dhex mara, oo dadka amar, oo waxaad ku tidhaahdaa, Cunto diyaariya; waayo, saddex maalmood gudahood ayaad Webi Urdun uga gudbi doontaan inaad gashaan oo aad hantidaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan. 12 Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi, 13 Bal xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasiyey, oo dalkan buu idin siiyey. 14 Naagihiinna, iyo dhallaankiinna, iyo xoolihiinnuba waa inay sii joogaan dalkii Muuse idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa; Raggiinna xoogga leh oo dhammow, idinkoo hub wata oo walaalihiin hor mara oo caawiya. 15 ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo siduu idiin siiyey oo kale, oo ay iyaguna hantiyaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo, markaasaad ku noqon doontaan dalkii hantidiinna ahaa, oo aad ku raaxaysataan dalkii addoonkii Rabbiga ahaa oo uu idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo xagga qorrax ka soo baxa ah. 16 Markaasay Yashuuca ugu jawaabeen, Wax alla wixii aad nagu amarto waannu yeeli doonnaa, oo meel alla meeshii aad noo dirtoba waannu tegaynaa. 17 Sidaan Muuse uga dhegaysanay wax walba, annana waannu kuu dhegaysanaynaa; oo Rabbiga Ilaahaaga ah oo keliya ha kuula jiro siduu Muuse ula jiray.
18 Oo ku alla kii amarkaaga caasiya oo aan maqlin erayadaada iyo wax alla wixii aad ku amarto oo dhanba, kaas waa in la dilaa; laakiinse xoog yeelo oo aad u dhiirranow. CUTUBKA 2AAD 1 Markaasaa Yashuuca ina Nuun wuxuu Shitiim si qarsoon uga diray laba nin oo basaasyo ah, oo wuxuu ku yidhi, Taga oo soo jeeda dalka iyo Yerixoo. Markaasay tageen, oo waxay galeen guri dhillo ah, oo Raxab la odhan jiray, oo halkaasay ku hoydeen. 2 Oo waxaa loo soo sheegay boqorkii Yerixoo, oo lagu yidhi, Niman reer binu Israa'iil ah ayaa caawa halkan u yimid inay dalka soo basaasaan. 3 Markaasaa boqorkii Yerixoo cid u diray Raxab, oo ku yidhi, Soo bixi nimanka kuu yimid oo gurigaaga galay, waayo, waxay u yimaadeen inay dalka oo dhan soo baadhaan. 4 Markaasaa naagtii soo kaxaysay labadii nin oo qarisay, oo waxay ku tidhi, Niman baa ii yimid, laakiinse ma aan garanayn meel ay ka yimaadeen. 5 Oo markii iridda la xidhi jiray oo ay gudcur noqotay ayay nimankii dibadda u baxeen; waayo, waad gaadhi doontaan. 6 Laakiinse waxay iyagii keentay guriga saqafkiisa, oo waxay ku qarisay caws linen la yidhaahdo oo ay saqafka sare ku hagaajisay. 7 Oo nimankiina waxay u eryadeen xagga Webi Urdun ilaa laga gudbi karo; 8 Oo intaanay jiifsan ayay iyagii ugu soo baxday saqafkii; 9 Markaasay nimankii ku tidhi, Waan ogahay in Rabbigu dalka idin siiyey, oo cabsidiinnii baa nagu dhacday, oo dadka dalka deggan oo dhammu aawadiin u itaal darnaadeen. 10 Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu idiin engejiyey biyihii Badda Cas, markaad Masar ka soo baxdeen; iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo reer Amor, oo joogay Webi Urdun shishadiisa, kuwaasoo ahaa Siixon iyo Coog, oo aad wada baabbi'isay. 11 Oo isla markii aannu maqalnay ayaa qalbigayagii dhalaalay, oo ninna innaba geesinimadiin dambe kuma hadhin, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaaha ku jira samada sare iyo dhulka hooseba. 12 Haddaba waan idin baryayaaye, Rabbiga iigu dhaarta inaad reerka aabbahay ugu roonaanaysaan markaan idiin roonaaday, oo i siiya calaamo run ah. 13 oo aad badbaadisaan aabbahay iyo hooyaday iyo walaalahay iyo walaalahay iyo waxay haystaan oo dhan, oo aad naftayada dhimashada ka samatabbixisaan. 14 Markaasay nimankii ugu jawaabeen, Naftayadii adaa ha loo galay, haddaydnan sheegin xaalkayaga. Oo markii Rabbigu dalka na siiyo, raxmad iyo runba waannu kugula macaamiloon doonnaa. 15 Markaasay xadhig daaqadda kaga soo dejisay, waayo, gurigeedu wuxuu ku yiil derbiga magaalada, oo waxay degganayd derbiga dushiisa. 16 Oo iyana waxay iyagii ku tidhi, Buurta taga yaan ay raacdadu idinla kulmin; oo intii saddex maalmood ah halkaas ku dhuunta, ilamaa ay raacdadu soo noqonayso; oo dabadeedna iska tag. 17 Markaasay nimankii ku yidhaahdeen, Annagu eed kuma yeelan doonno dhaarta aad nagu dhaarisay.