Cesraa CUTUBKA 1AAD 1 Haddaba Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris sannaddiisii kowaad, si uu u noqdo Eraygii Rabbiga ee afka Yeremyaah afkiisa ka soo baxay ayaa Rabbigu kiciyey ruuxii Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris, markaasuu naadiyey boqortooyadiisa oo dhan, oo weliba wuu qoray, isagoo leh, Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Rabbiga ah Ilaaha samadu wuxuu i siiyey boqortooyooyinka dunida oo dhan; oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah. 3 Bal yaa idinku dhex jira dadkiisa oo dhan? Ilaahiisa ha la jiro, oo ha tago Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ku taal, oo ha dhiso guriga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo isagu waa Ilaaha Yeruusaalem ku yaal. 4 Oo ku alla kii ku hadhay meel kasta oo uu qariib ku yahay, dadka isaga degganu ha ku caawiyeen lacag, iyo dahab, iyo alaabo, iyo xayawaan, oo ayan qurbaanka ikhtiyaarka ah ee guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal. 5 Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi iyo kuwii Ilaah ruuxooda kiciyey oo dhan, si ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal. 6 Oo kulli intii hareerahooda ku wareegsanayd oo dhammu waxay gacmahooda ku xoogeeyeen weelal lacag ah, iyo dahab, iyo alaabo, iyo xoolo, iyo waxyaalo qaali ah, iyo weliba wixii ikhtiyaarka loo bixiyey. 7 Oo weliba Kuuros ayaa soo bixiyey weelashii gurigii Rabbiga, oo Nebukadnesar Yeruusaalem ka soo bixiyey oo uu dhigay gurigii ilaahyadiisa; 8 Oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa waxyaalahaas ku soo bixiyey Mitredaad oo ahaa qasnajigii ahaa, oo wuxuu u tiriyey Sheeshbasar oo dalka Yahuudah amiir u ahaa. 9 Oo tiradoodiina waa tan: soddon saxan oo dahab ah, iyo kun saxan oo lacag ah, iyo sagaal iyo labaatan mindiyood, 10 iyo soddon maddiibadood oo dahab ah, iyo afar boqol iyo toban maddiibadood oo lacag ah, iyo kun weel oo kale. 11 Oo kulligood weelashii dahabka iyo lacagta ahaa waxay isku ahaayeen shan kun iyo afar boqol. Kuwaas oo dhan Sheeshbasar wuxuu la soo kaxaystay maxaabiistii Baabuloon laga keenay oo Yeruusaalem la keenay. CUTUBKA 2AAD 1 Haddaba kuwanu waa dadkii gobolkii ka soo baxay maxaabiistii, oo ahaa kuwii la soo kaxaystay, oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu u kaxaystay Baabuloon, oo haddana ku soo noqday Yeruusaalem iyo Yahuudah, oo mid waluba magaaladiisii; 2 oo wuxuu la yimid Serubaabel, oo ahaa Yeeshuuca, iyo Nexemyaah, iyo Seraayaah, iyo Reelayaah, iyo Mordekay, iyo Bilshaan, iyo Misfar, iyo Bigway, iyo Rexuum, iyo Bacanaah. Tirada raggii reer binu Israa'iil. reer Farcoshna laba kun iyo boqol iyo laba iyo toddobaatan. reer Shefatyaahna saddex boqol iyo laba iyo toddobaatan. reer Aaraxna toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan. 6 reer Faxad Moo'aab oo ahaa reer Yeeshuuca iyo reer Yoo'aabna laba kun iyo siddeed boqol iyo laba iyo toban.
reer Ceelaam kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton. reer Satuuna sagaal boqol iyo shan iyo afartan, reer Sakayna toddoba boqol iyo lixdan. reer Baaniina lix boqol iyo laba iyo afartan. reer Beebayna lix boqol iyo saddex iyo labaatan. reer Casgaadna kun iyo laba boqol iyo laba iyo labaatan. 13 reer Adoniiqaamna lix boqol iyo lix iyo lixdan. 14 reer Bigwayna laba kun iyo lix iyo konton, reer Caadiinna afar boqol iyo afar iyo konton. 16 reer Aateer oo ahaa reer Xisqiyaahna siddeed iyo sagaashan. reer Beesayna saddex boqol iyo saddex iyo labaatan, reer Yooraahna boqol iyo laba iyo toban. reer Xaashumna laba boqol iyo saddex iyo labaatan, reer Gibbaarna shan iyo sagaashan. reer Beytlaxamna boqol iyo saddex iyo labaatan. 22 raggii reer Netofaahna lix iyo konton. 23 raggii reer Canaatoodna boqol iyo siddeed iyo labaatan, reer Casmaawedna laba iyo afartan. 25 reer Qiryad iyo reer Kefiiraah iyo reer Bi'irodna toddoba boqol iyo saddex iyo afartan. reer Raamaah iyo reer Gebacna lix boqol iyo kow iyo labaatan. 27 raggii reer Mikmaasna boqol iyo laba iyo labaatan. 28 raggii reer Beytel iyo reer Aaciina laba boqol iyo saddex iyo labaatan. reer Neboona laba iyo konton. reer Magbiishna boqol iyo lix iyo konton. 31 reer Ceelaamkii kalena kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton. reer Haarimna saddex boqol iyo labaatan. 33 reer Lod iyo reer Xaadiid iyo reer Oonoona toddoba boqol iyo shan iyo labaatan. reer Yerixoona saddex boqol iyo shan iyo afartan, 35 reer Senacaahna saddex kun iyo lix boqol iyo soddon. 36 Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen reer Yedacyaah oo ahaa reer Yeeshuuca oo ahaa sagaal boqol iyo saddex iyo toddobaatan. reer Immeerna kun iyo laba iyo konton. reer Fashxuurna kun iyo laba boqol iyo toddoba iyo afartan. reer Haarimna kun iyo toddoba iyo toban. 40 Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca iyo reer Qadmii'eel oo ahaa reer Hoodawyaah afar iyo toddobaatan. 41 Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaaf ahaana waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo labaatan. 42 Oo reer iridjoogayaashii oo ahaa reer Shalluum, iyo reer Aateer, iyo reer Talmon, iyo reer Caquub, iyo reer Xatiitaa, iyo reer Shobay, kulligood waxay isku ahaayeen boqol iyo sagaal iyo soddon. 43 iyo reer Netiiniim oo ahaa reer Siixaa, iyo reer Xasuufaah, iyo reer Tabba'ood, 44 iyo reer Qeeros, iyo reer Siicaah, iyo reer Fadoon, 45 reer Lubnaan, iyo reer Xagaabaah, iyo reer Caquub, 46 iyo reer Xagaab, iyo reer Shalmay, iyo reer Xaanaan, 47 iyo reer Giddel, iyo reer Gaxaar, iyo reer Re'aayaah, 48 iyo reer Resiin, iyo reer Neqooda, iyo reer Gaasam, 49 iyo reer Cuusaah, iyo reer Faasee'ax, iyo reer Besay, 50 iyo reer Asnaah, iyo reer Mexuuniim, iyo reer Nefuusim, 51 iyo reer Baqbuq, iyo reer Xakuufaah, iyo reer Xarxuur, 52 iyo reer Basluud, iyo reer Mexiidaac, iyo reer Xarshaa, 53 iyo reer Barqoos, iyo reer Siiseraa, iyo reer Taamaah, 54 iyo reer Nesyaah, iyo reer Xatiifaa.