Skip to main content

Somali - The Book of 2nd Samuel the Prophet

Page 1

2 Samuu'eel CUTUBKA 1AAD 1 Haddaba markii Saa'uul dhintay dabadeed, ayaa Daa'uud ka soo noqday layntii reer Camaaleq, oo Daa'uudna laba maalmood buu Siiqlag joogay; 2 Oo waxay noqotay maalintii saddexaad in Saa'uul xeradii ka soo baxay nin dharkiisu jeexjeexan yahay, madaxana ciid ku wataa; oo markuu Daa'uud u yimid ayuu dhulka ku dhacay oo u sujuuday. 3 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Xaggee baad ka timid? Oo isna wuxuu ku yidhi, Xeradii reer binu Israa'iil baan ka soo baxsaday. 4 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, War sidee buu u dhacay? Waan ku baryayaaye ii sheeg. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Dadkii dagaalkii way ka carareen, oo dad badan baa dhacay oo dhintay; oo Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanna waa dhinteen. 5 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, Sidee baad ku ogaatay inay Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba dhinteen? 6 Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay wuxuu ku yidhi, Markaan si lama filaan ah Buur Gilboca ku soo gaadhay, waxaan arkay Saa'uul oo warankiisii ku tiirsanaa; oo gaadhifardoodkii iyo fardooleydii aad bay u eryanayeen. 7 Oo markuu gadaashiisa dhugtay ayuu i arkay oo ii yeedhay. Oo anna waxaan ugu jawaabay, Waa i kan. 8 Oo wuxuu igu yidhi, Kumaad tahay? Oo anna waxaan ugu jawaabay, Waxaan ahay reer Camaaleq. 9 Oo haddana wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye, kor ii istaag oo i dil, waayo, cidhiidhi baa igu dhacay, maxaa yeelay, naftaydu weli way igu dhan tahay. 10 Markaasaan isagii ku dul istaagay oo dilay, maxaa yeelay, waan hubay inuusan noolaan karin markuu dhacay dabadeed, markaasaan soo qaatay taajkii madaxiisa u saarnaa, iyo dugaagaddii cududdiisa ugu jirtay, oo waxaan keenay, sayidkaygiiyow. 11 Markaasaa Daa'uud dharkiisii jeexjeexay; iyo raggii isaga la jiray oo dhanna sidaas oo kale. 12 Markaasay ilaa fiidkii u baroorteen, oo u ooyeen, oo u soomeen Saa'uul, iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii Rabbiga, iyo reer binu Israa'iil aawadood; maxaa yeelay, seef bay ku le'deen. 13 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, Xaggee baad ka timid? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay shisheeye wiilkiis oo reer Camaaleq ah. 14 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi isagii, Sidee baad uga cabsan weyday inaad gacantaada u qaaddo Rabbiga kiisa subkan? 15 Markaasaa Daa'uud u yeedhay raggii dhallinyarada ahaa midkood, oo ku yidhi, U dhowow oo dil. Oo isna wax buu ku dhuftay wuuna dhintay. 16 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Dhiiggaagu madaxaaga ha saarnaado; waayo, afkaagu waa kugu marag furay oo yidhi, Waxaan dilay Rabbiga kiisa subkan. 17 Markaasaa Daa'uud baroortan ugu baroortay Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan.

18 (Oo weliba wuxuu ku amray inay dadka Yahuudah baraan sida qaansada, oo bal eega, waxay ku qoran tahay kitaabkii Yaasher.) 19 Reer binu Israa'iil quruxdoodii waxaa lagu dilay meelahaaga sarsare. Kuwii xoogga badnaa sidee bay u dhaceen! 20 Taas Gad ha ku sheegina, oo jidadka Ashqeloonna ha ku caddaynina; waaba intaasoo ay gabdhaha reer Falastiin rayrayn, Waaba intaasoo ay buuryoqabyada gabdhahoodu rayrayn. 21 Buuraha Gilbocayow, yaan dharabku idinka helin, roobna yuusan idinka helin, beerihii qurbaannada lahuna yaanay idinka helin, waayo, kuwa xoogga badan gaashaankoodiina halkaasaa lagu tuuray, kaasoo ah gaashaankii Saa'uul sidii isagoo aan saliid lagu subkayn. 22 Kuwii la laayay dhiiggoodii, iyo kuwii xoogga badnaa xaydhoodii, Yoonaataan qaansadiisii dib kama ay soo noqon, Oo Saa'uul seeftiisiina madhnaan kuma soo noqon. 23 Intay noolaayeen Saa'uul iyo Yoonaataan waxay ahaayeen kuwo la jecel yahay, oo macaan, oo markay dhimateenna, lama kala geeyn, Gorgorrada way ka dheereeyeen, libaaxyadana way ka xoog badnaayeen. 24 Gabdhaha reer binu Israa'iilow, u ooya Saa'uul, kii idiin huwiyey casaan iyo waxyaalo kale oo farxo ah, oo dharkiinnana dahab isku sharraxay. 25 Kuwii xoogga badnaa siday dagaalka ugu dhex dhaceen! Yoonaataan, waxaa lagugu dilay meelahaaga sarsare. 26 Walaalkayow Yoonaataanow, aawadaa baan u dhibtooday, aad baad iigu macaanayd. Jacaylkaad ii qabtaa wuxuu ahaa yaab, Oo xataa caashaqa dumarka. 27 Sidee bay kuwii xoogga badnaa u dhaceen, oo hubkii dagaalkuna sidee buu u hallaabay! CUTUBKA 2AAD 1 Oo taas dabadeed Daa'uud baa Rabbiga wax weyddiiyey, oo yidhi, Magaalooyinka dalka Yahuudah middood ma u kacaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Tag. Markaasaa Daa'uud yidhi, Xaggee baan u kacaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaa Xebroon. 2 Markaasaa Daa'uud meeshaas u kacay, oo labadiisii naagoodna waxay ahaayeen Axiinocam tii reer Yesreceel, iyo Abiigayil oo u dhaxday Naabaal tii reer Karmel. 3 Oo raggiisii isaga la jirayna Daa'uud wuu soo kaxaystay, iyagoo nin waluba reerkiisii wataa, oo waxay degeen magaalooyinkii Xebroon. 4 Markaasay raggii reer Yahuudah yimaadeen, oo halkaasay Daa'uud ugu subkeen inuu ahaado boqor u taliya dalka Yahuudah. Markaasaa Daa'uud loo soo sheegay oo lagu yidhi, kuwii Saa'uul soo aasay waxay ahaayeen dadkii Yaabeesh Gilecaad. 5 Markaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray dadkii reer Yaabeesh Gilecaad, oo ku yidhi, Rabbigu ha idin barakeeyo, waayo, waxaad u roonaateen oo aasteen sayidkiinnii Saa'uul ahaa. 6 Haddaba Rabbigu raxmad iyo run ha idiin roonaado, oo anna waan idiin roonaan doonaa, maxaa yeelay, idinku waxaas baad samayseen. 7 Haddaba gacmihiinnu ha xoogaysteen, oo xoog yeesha, waayo, sayidkiinnii Saa'uul waa dhintay, oo dadka Yahuudahna waxay ii subkeen inaan boqor u ahaado.


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Somali - The Book of 2nd Samuel the Prophet by Filipino Tracts and Literature Society Inc. - Issuu