Skip to main content

Somali - The Book of 1st Samuel the Prophet

Page 1

1 Samuu'eel CUTUBKA 1AAD 1 Haddaba waxaa jiray nin reer Raamaatayim Soofiim oo degganaa dalka buuraha leh oo reer Efrayim, magiciisana waxaa la odhan jiray Elqaanaah, ina Yeroxaam, ina Eliihuu, ina Toohuu, ina Suuf, oo ahaa reer Efraad. 2 Oo isna wuxuu lahaa laba naagood; Middood magaceedu wuxuu ahaa Xannaah, tan kale magaceeduna wuxuu ahaa Feninnaah. Feninnaah carruur bay lahayd, laakiinse Xannaah carruur ma ay lahayn. 3 Oo ninkaasu sannad kasta wuxuu ka bixi jiray magaaladiisa inuu ku caabudo oo allabari ugu bixiyo Rabbiga ciidammada oo Shiiloh jooga. Oo Ceelii labadiisii wiil ee ahaa Hofnii iyo Fiinexaas oo Rabbiga wadaaddadiis ahaa halkaasay joogeen. 4 Oo Elqaanaah wakhtigii uu wax bixiyey ayuu qayb siiyey naagtiisii Feninnaah iyo wiilasheedii iyo gabdhaheedii oo dhan. 5 Laakiinse Xannaah wuxuu siiyey qayb qumman; waayo, Xannaah wuu jeclaa; laakiinse Rabbigaa maxalkeedii xidhay. 6 Tii cadowgeedii aad bay uga xanaajisay, oo way ka xanaajisay, maxaa yeelay, Rabbigaa maxalkeedii xidhay. 7 Oo siduu saas yeelayay sannad ka sannad, markay gurigii Rabbiga tagtay, ayay ka cadhaysiisay iyadii; Sidaas daraaddeed way ooyday, oo waxba ma ay cunin. Markaasaa ninkeedii Elqaanaah ku yidhi iyadii, Xannaah, maxaad u ooyaysaa? Oo maxaad u cuni weyday? Oo bal muxuu qalbigaagu u murugaysan yahay? Miyaanan toban wiil kaaga wanaagsanayn? 9 Markaasay Xannaah kacday markay Shiiloh wax ku cuneen oo ay wax cabbeen dabadeed. Haddaba wadaadkii Ceelii ahaa wuxuu ku fadhiistay kursigii u dhowaa tiirkii macbudka Rabbiga. 10 Markaasay naftu u calool xumaatay, oo Rabbigay bariday, oo aad u ooyday. 11 Oo nidar bay nidar gashay oo waxay tidhi, Rabbiga ciidammadow, haddaad fiirsato dhibaatadayda anoo addoontaada ah, oo aad i soo xusuusatid, oo aadan i illoobin anoo addoontaada ah, laakiinse aad anoo addoontaada ah siiso wiil, markaas cimrigiisa oo dhan waxaan Rabbiga siin doonaa, oo madaxiisa mandiil lama mari doono. 12 Oo intay Rabbiga hortiisa ku baryootamaysay ayuu Ceelii fiiriyey afkeedii. 13 Haddaba Xannaah waxay iska hadashay qalbigeeda; Oo bushimaheedii oo keliya ayaa dhaqdhaqaaqayay, laakiinse codkeedii lama maqlin, oo sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu u maleeyey inay sakhraansan tahay. 14 Markaasaa Ceelii wuxuu iyadii ku yidhi, Ilaa goormaad sakhraamaysaa? Khamrigaaga iska fogee. 15 Markaasaa Xannaah u jawaabtay oo ku tidhi, Maya, Sayidkaygiiyow, waxaan ahay naag ruuxeedu murugaysan yahay, oo ma cabbin khamri iyo wax lagu sakhraamo toona, laakiinse naftayda ayaan Rabbiga hortiisa ku daadiyey. 16 Anoo addoontaada ah ha igu tirin gabadh wax xun, waayo, cabashadayda iyo murugtayda badan aawadood ayaan ilaa haatan u hadlay.

17 Markaasaa Ceelii u jawaabay oo ku yidhi, Nabad ku tag, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ha ku siiyo baryadaadii aad weyddiisatay isaga. 18 Markaasay tidhi, Anoo addoontaada ah naxariis aan kaa helo. Sidaas daraaddeed naagtii way iska tagtay, oo wax bay cuntay, oo wejigeeduna mar dambe ma murugoon. 19 Markaasay aroor hore kaceen, oo Rabbiga caabudeen, dabadeedna way noqdeen, oo yimaadeen gurigoodii Raamaah ku yiil; Markaasaa Rabbigu iyadii xusuustay. 20 Oo markii wakhtigii la gaadhay ayay Xannaah uuraysatay ay wiil dhashay, oo magiciisiina waxay u bixisay Samuu'eel, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, isagaan Rabbiga ka baryay. 21 Markaasaa ninkii Elqaanaah, iyo reerkiisii oo dhammuba u tageen inay Rabbiga u bixiyaan allabarigii sannadlaha ahaa iyo nidarkiisii. 22 Laakiinse Xannaah ma ay tegin; waayo, waxay ninkeedii ku tidhi, Anigu tegi maayo ilaa wiilka naaska laga gudhiyo, markaasaan keeni doonaa inuu Rabbiga hortiisa ka muuqdo, oo halkaasuu weligiisba joogo. 23 Markaasaa ninkeedii Elqaanaah ku yidhi, Wixii kula wanaagsan yeel; Joog ilaa aad naaska ka gudhisid; Rabbiga uun eraygiisa ha adkeeyo. Naagtiina way iska joogsatay, oo wiilkeedii bay nuujisay ilaa ay naaska ka gudhisay. 24 Oo markay isagii naaska ka gudhisay ayay la tagtay isagii, iyadoo wadata saddex dibi, iyo eefaah bur ah, iyo qarbed khamri ah, oo waxay isagii keentay gurigii Rabbiga ee Shiiloh ku yiil, oo wiilkuna wuu yaraa. 25 Markaasay dibi gowraceen, oo wiilkii waxay u keeneen Ceelii. 26 Markaasay tidhi, Sayidkaygiiyow, waxaan ku dhaartaye naftaada nool, Sayidkaygiiyow, waxaan ahay naagtii halkan ku soo ag istaagtay oo Rabbiga baryaysa. 27 Wiilkan waxaan ka baryay; oo Rabbigu waa i siiyey baryadaydii aan weyddiistay isaga. 28 Sidaas daraaddeed isagaan Rabbiga siiyey; Oo intuu nool yahay waa la amaahin doonaa Rabbiga. Oo isna halkaasuu Rabbiga ku caabuday. CUTUBKA 2AAD 1 Markaasaa Xannaah tukatay oo tidhi, Qalbigaygu Rabbigaa ku reyreeyey, Geeskaygana Rabbiguu kor u qaaday. Waayo, waxaan ku reyreeyaa badbaadintaada. Mid quduus ahu sida Rabbiga ma jiro, waayo, adiga mooyaane mid kale ma jiro, oo dhagax weyn oo Ilaahayaga la mid ahuna ma jiro. 3 Mar dambe si kibir leh ha u hadlina; Kibir yaanu afkiinna ka soo bixin, waayo, Rabbigu waa Ilaaha waxgarasho leh, oo falimaha isagaa lagu miisaamaa. 4 Raggii xoogga badnaa qaansooyinkoodii waa jabeen, Oo kuwii kuf adkaadayna itaal bay guntan yihiin. Kuwii dhergi jiray waxay nafsadooda u kiraysteen kibis aawadeed. Kuwii gaajaysnaana way daayeen, sidaas daraaddeed madhalaystii waxay dhashay toddoba; Tii carruur badan lahaydna way taag gabtay. 6 Rabbigu wax buu dilaa, wuuna soo nooleeyaa, She'ool buu ku soo dejiyaa, waxna wuu soo bixiyaa. 7 Rabbigu isagaa miskiin ka dhiga, isagaana taajir ka dhiga, Isagu wax buu hoosaysiiyaa, waxna kor buu u qaadaa. 8 Isagu miskiinka ciidduu ka soo kiciyaa, oo miskiinkana godka digada ayuu ka soo qaadaa, inuu amiirro dhex fadhiisiyo, oo uu carshiga ammaanta dhaxlo, waayo,


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook