



![]()





Haddii gurigaagu ka diiwaangashanyahay Barnaamijka Denver Water Lead Reduction (Barnaamijka Yaraynta Lead-ta ee Denver), xaqiiji inaad isticmaasho biyo sifeeyaha iyo weelka biyaha ee laguu siiyay cabitaanka, cunto karinta iyo diyaarjnta caanaha caruurta. In biyaha la karkariyaa kama saarayso maadada lead-ta, sidaa darteed sifee kuna kari si jacayl kujiro.
Ka ogow wax badan oo ku saabsan Barnaamijka Lead Reduction (Yaraynta Lead-ta) DenverWater.org/Lead


KU SOO DHAWOOW DUGSIYADA
Haddaan nahay Dugsiyada Dadwaynaha ee Denver (DPS), waxaan u taagan nahay inaan gacan ka gaysano xaqiijinta in Arday Kasta uu Guuleysto. Fasalladeena waxaa loo naqshadeeyay inay noqdaan xarumaha adag ee waxbarashada, oo macalimiin daryeel badan ay ku siiyaan ardayda khibrado adag, oo ku haboon dhaqanka. Si wadajir ah, waxaan dhisaynaa aasaaska adag oo ka taageeraaya arday kasta tubtiisa gaarista mustaq ifaaya.
Tusmadaan waxay kaa caawinaysaa fahanka aasaasiyaadka DPS iyo inaad fahanto talaabooyinka iska diiwaan gelinta dugsi. Fursadda Dookha Dugsiga ayaa furmaysa xili hore xoogaa ayaana la dheerayn doonaa sanadkaan! Wareegga 1-aad ee Dookha Dugsiga ayaa furmaaya 10 a.m. maalinta Diseembar 2, 2025 wuxuuna xirmayaa Janaayo 20, 2026 saacadu markay tahay 4 p.m., asagoo ku siinaaya wakhti dheeraad ah oo aad ku baarayso dookhyadaada, booqato dugsiyada aadna go’aansato dugsiyada ugu haboon qoyskaaga. Haddii ardaygaagu dugsiyadeena dhiganaayo markiisii koobaad ama uu yahay arday sii wadanaayay waxbarashadiisa DPS, waxaan sugi la’nahay in aan aragno guulaha uu gaari doono.
■ 198 dugsi
■ Wadarta guud ee ardayda dhigata: 90,450
⸰ Ardayda U qalma Cuntada Bilaashka ah/Qiimaha Jaban: 62.8%
⸰ Ardayda Hibada iyo Xirfadda badan leh: 9.5%
⸰ Barteyaasha Luuqada Ingiriiska: 31.3%
⸰ Ardayda ku hadasha afka Isbaanishka: 33.4%
■ Luuqadaha ugu badan ee looga hadlo DPS: Isbaanish, Carabi, Amxaari, Fiyeednaamiis, Faransiis, Soomaali, Nepali, Farsi-ga Bariga, Chuukese, Mandarin Jayniis, Af-Ruush

DPS cidna kuma takoorto diiwaan gelinta ama qaybaha barnaamijkeena ama hawsheena waxbarashada. Ka eeg Ogeysiiskeena Buuxa ee Takoor La’aanta barta dpsk12.org/nondiscrimination.
DUGSIYADA AY MAAMUSHO DEGMADU
Waxaa maamusho, kormeerta oo taageerta DPS iyo Guddigeeda Waxbarashada.
■ Qaar kamid ah dugsiyada ay degmadu maamusho ayaa ah dugsiyada hal abuurka, kuwaas oo aqoonsiga ay siiyeen Guddiga Waxbarashada ee DPS iyo Waaxda Waxbarashada ee Colorado, kuwaas baxsha dookhyada dheeriga ah ee barnaamijyada waxbarashada, shaqaalaha, jadwalka iyo miisaaniyadda si loo buuxsho baahiyaha ardayda.
■ Dugsiyada ay degmadu maamusho waxaa sidoo kale ku jira dugsiyo ama barnaamijyo gaar ah, kuwaas oo xooga saara qaabka gaarka ah ee barashada ama baahida waxbarasho, ama u adeegga ardayda leh dano isku mid ah, waxayna siin karaan gaadiid ardayda ku nool meel ka baxsan dugsiga xaafada. Tusaalayaasha waxaa ku jira Dugsiyada ama barnaamijyada Arts Focus, Montessori, Ardayda Hibada iyo Xirfadda Sare leh iyo Labada Luuqadood ma barnaamijyo.
DUGSIYADA
Dugsiyada dadweynaha ee sida madaxa bannaan u shaqeeya waxaa maamula Gudiga Agaasimeyaasha madaxa bannaan.
■ Dhamaan dugsiyada charter-ka waxaa maamula Guddiga Waxbarashada ee DPS oo waxaa la marsiiyaa isla heerarka waxqabadka tacliinta ee dugsiyada degmadu maamusho.
■ Dugsiyada Charter-ka waxay leeyihiin fursado si ay u dejiyaan barnaamijyadooda waxbarasho iyo siyaasadaha gaarka u ah dugsiga.
■ Dhammaan dugsiyada charter-ka waxaa ka go'an inay si caddaalad ah ugu adeegaan dhammaan ardayda degmada ku nool. Qaar kamid ah dugsiyada charter-ka ayaa muhiimada siiya ardayda ku nool gudaha aagaga loo asteeyay.
Dugsiyada Pathways waxay noqon karaan kuwa ay maamusho degmadu ama kuwo madax banaan. Dugsiyadaan waxay baxshaan waxbarasho xooggan iyo taagerooyin waxtar leh kuwaasoo ardayda gaarsiiya helista diplomada dugsiga sare kuna xira fursadaha dugsiga sare kadib. Inta badan dugsiyada pathways-ka waxay baxshaan fursad lagu helaayo buundooyin dheeraad ah sanad kasta kuwaasoo ka badan kuwa caadiga ah.

WEBSEEDKA: schoolchoice.dpsk12.org
TALEEFANKA: 720-423-3493
IIMEYLKA: schoolchoice@dpsk12.org
Colorado waa gobol leh hab is-diiwaan gelinta dugsiyada oo furan, taasoo la macno ah in ardaydu xulan karaan inay dhigtaan dugsiga loo qoondeeyay ee xaafadooda, ama waxay codsan karaan dugsiyada kale ee dadweynaha ee degmadooda ku yaala ama xataa meel ka baxsan. Dugsiyada Dadwaynaha ee Denver waxay ku faantaa dookhyada dugsiyada ee ay heli karaan qoysaskeenu, waxayna aaminsan tahay in dhammaan qoysasku ay xaq u leeyihiin helitaanka loo siman yahay ee dugsiyada ay dareemayaan inay ugu haboon yihiin ardaydooda, ayadoo aan loo eegayn asalkooda ama meesha ay dagan yihiin. Hanaanka Dookha Dugsiga ee halka cod, halka wakhti ee cayiman ayaa xaqiinaaya sinnaanta, sugnaanta iyo fududeynta diiwaan gelinta dugsiga.
Aalada Dugsiyada Raadisa ee oonlaynka ah waa meesha ugu haboon ee aad ka helayso xogta guud ee ku saabsan dugsi kasta oo ku yaala DPS. Adoo adeegsanaaya Aalada Dugsiyada Raadisa, waxaad heli kartaa dugsiyada kuugu dhow adiga oo qoraaya ciwaankaaga ama ku raadinaaya dugsiyada barnaamijyada aad daneynayso. Galka dugsi kasta waxaa ku qoran xog ku saabsan barnaamijyada waxbarashada, nashaadaadka ka baxsan manhajka, deegaannada ardayda, adeegyada ardayda iyo waxyaabo kale.

Iskaan garee koodhka QR-ka ama booqo schoolchoice.dpsk12.org/find si aad u biloowdo.
Waxaan ku talinaynaa in aad la hadasho dugsiyada aad xiiseynayso! Ma jiraan wax bedel u ah in si toos ah hoggaamiyeyaasha dugsiga loogala hadlo barnaamijyadooda iyo dhaqankooda. La xiriir dugsiyada gaarka ah si aad u hesho xog dheeraad ah ama u mudeysato kormeer.
Ardayda soo galaysa dugsiga xanaanada ilaa fasalka 12aad ee ku nool degmada DPS ayaa loo damaanad qaadayaa boos ay ka helaan midkood dugsiga xaafadooda (ama “xuduudka”) ama midkood dugsiyada ku jira aagooda diiwaan gelinta.
Aagga qaar ee gudaha Denver, DPS ayaa adeegsata “agaga diiwaan gelinta” badelkii ay adeegsan lahayd xaduudaha halka dugsi ee awal la adeegsan jiray. Aagga diiwaan gelintu waa aaga deegaanka ardayda ku dhex nool loo damaanad qaadaayo boos ay ka helaan mid kamid ah dugsiyo kala duwan, maaha keliya hal dugsi oo gaar ah.
Si aad u ogaato haddii aad ku nooshahay gudaha xuduudka hal dugsi ama aag diiwaan gelin, ku qor ciwaanka aad dagan tahay aalada Dugsiga Raadisa ee barta schoolchoice.dpsk12.org/ find Haddii aad ku nooshahay aaga diiwaan gelinta, waxay aqoonsan doontaa magaca aaga ku jira qariirada, dugsi kasta oo ku jira aagaas waxaa geeskiisa ku qornaan doona “Enrollment Zone School (Dugsiga Aaga Diiwaan Gelinta)” liiska hoose. Haddii aadan daganayn aaga diiwaan gelinta, dugsiga koobaad ee liiska ku jira ayaa noqon doona dugsiga xaafadaada.
Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo schoolchoice.dpsk12.org/find.

Hanaanka diiwaan gelinta furan ee Dookha Dugsiga ee DPS waxaa loogu talo galay ardayda doonaaya ama u baahan inay dhigtaan dugsi cusub sanad dugsiyeedka soo socda, gaar ahaana ardayda “kala guurka ku jirta” (soo galaaya dugsiga xanaanada, ardayda fasalka lixaad iyo sagaalaad). Ardayda soo galaaya dugsiga ee dagan aaga diiwaan gelinta iyo qoysaska codsanaaya barnaamijka dugsiga xanaannada waa inay buuxiyaan codsiga Dookha Dugsiga.
Qoysaska doonaaya ama u baahan inay ilmahooda ka diiwaan galshaan dugsi cusub sanadka xiga waxaa aad loogu boorinayaa inay gudbiyaan codsiga Dookha Dugsiga inta lagu jiro wareegga 1-aad, maadaama ay helayaan fursadda ugu wanaagsan ee ka helis boos dugsiga ay doorbidayaan.
Wareegga 1-aad ee Dookha Dugsiga ayaa furmaaya markay saacady tahay 10 a.m. maalinta Diseembar 2, 2025.
Wareegga 1-aad ayaa xirmaaya marka la gaaro Janaayo 20, 2026. Dhammaan codsiyadu waxay ku eg yihiin ugu danbayn 4 p.m.
Qoysaska waxaa lagu wargelin doonaa dugsiyada loo qoondeeyay dhammaadka bisha Febraayo.
Waxaad gudbin kartaa codsigaaga wakhti kasta inta lagu jiro mudada ay furan tahay Dookha; ma jirto muhiimad gaar ah oo la siinaayo codsiyada xili hore lasoo diray.

Booqo schoolchoice.dpsk12.org/submit ama iskaanka mari koodhka QR si aad hadda u codsato.
Si aad u gudbiso codsigaaga, samayso ciwaan ama, haddii aad tahay waalidka arday hadda dhigta DPS, adeegso ciwaanka iyo baasweerkaaga Barta Waalidka si aad u gasho schoolchoice.dpsk12.org/submit . Kadibna, tax 12 dugsi adoo u kala hormarinaaya sida aad u kala doorbideyso. Waxaad wax ka badeli kartaa codsigaaga wakhti kasta inta Wareegga 1-aad furan yahay.
Si aad u hesho tilmaamaha talaabo-talaabada ah, booqo schoolchoice.dpsk12.org/ application-guide.
Haddii aad codsanayso ECE-4, waxaad sidoo kale u baahan doontaa in aad soo gudbiso codsiga UPK. Eeg bogga 10-aad si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah.
Kadibna Wareegga 1-aad, marka codsiyada la soo gudbiyo, aalada Dookha ayaa adeegsan doonta dookhyada qoyska, muhiimada diiwaan gelinta dugsiga, iyo boosaska banaan si ay ardayda ugu aadiso dugsiyada. Nidaamka waxaa loogu talagalay kordhinta cadadka ardayda helaaya dugsiyada koobaad ee ay doorteen. Waxaa lagugu soo ogeysiin doonaa natiijooyinkaaga iimeylka dhammaadka Febraayo.
Haddii ardaygaaga aan loo qoondeyn dugsiga dookhiisa koobaad ah, waxaa la gelin doonaa liiska sugeyaasha ee dugsigaas. Liiska sugeyaashu waa kuwo isbadbadela, taas oo ka dhigan in booska aad liiska sugitaanka uga jirto uu kor ama hoos u guuri karo ayadoo ku xiran talaabooyinka iyo muhiimadaha dhammaan codsadeyaasha kale. Hel xog dheeraad ah oo ku saabsan algorithmka, muhiimadaha diiwaan gelinta dugsiga iyo liiska sugeyaasha, iyo sidoo kale jawaabaha su’aalaha badanaa la iswaydiiyo, barta schoolchoice.dpsk12.org.
Mudada Dookha Dugsiga Wareegga ee 2-aad ayaa bilaabanaysa xiliga gu’ga kadib marka qoysaska lagu wargeliyo natiijooyinka Wareegga 1-aad. Wareegga 2-aad waxaa loogu talo galay qoysaska aan ka faa;iideysan Wareegga 1-aad, badelay fikirkooda kadib markii ay gudbiyeen codsiga Wareega 1aad oo doonaaya inay dib u sahamiyaan dookhyadooda, ama ku cusub DPS. Ma jiro hanaanka qori-tuurka Wareegga 2-aad. Codsiyada waxaa looga shaqeeyaa sida loosoo kala hormaro, ayadoo la raacaayo muhiimadaha diiwaan gelinta ee dugsiga.
Sanad dugsiyeedka 2026-27, Wareegga 2-aad ayaa furmaaya 10 a.m. bisha Maarso 10, 2026. Booqo schoolchoice.dpsk12.org/round2 wixii macluumaad dheeraad ah.
Marka qoyska la diiwaan galsho ama laga aqbalo dugsi DPS ah, talaabada xigta waa in laga diiwaan galsho dugsigaas. Kani waa hanaan sanadle ah oo lagu baxsho laguna cusbooneysiiyo xogta ardayda iyo qoyska ee ku jira galka, ayna ku jiraan xiriirada xaalada degdega ah, xogta caafimaadka iyo waxyaabo kale.
Diiwaan gelinta ayaa lagu samayn karaa oonlaynka Barta Waalidiinta ee DPS ama in dugsiga la tago xiliga dayrta. Caadiyan, qoysaska ayaa buuxin kara diiwaan gelinta oonlaynka ah midkood Mudada May Early Bird ama biloowga dhammaadka Luuliyo. Waydii dugsigaaga si aad u xaqiijiso taariikhaha diiwaan gelintooda oonlaynka ah.
Booqo schoolchoice.dpsk12.org/registration wixii macluumaad dheeraad ah.
3 iyo 4
WEBSEEDKA: earlyeducation.dpsk12.org
TALEEFANKA: 720-423-2678
IIMEYLKA: earlyeducation@dpsk12.org
Dugsiga barbaarinta, oo sidoo kale loo yaqaan Waxbarashada Dhallaanka (ECE), wuxuu ka caawiyaa carruurta yaryar inay kobcaan garaad ahaan, bulsho ahaan iyo shucuur ahaan. Aasaaskan xooggani wuxuu u diyaariyaa ilmaha inay ku galaan sanadaha dugsiga hoose si guul leh kuna sii raaxaystaan waxbarashadooda. Barnaamijka DPS ECE wuxuu dugsiga barbaarinta ee tayada leh ee nus maalinka iyo maalinta buuxda oo lagu bixiyo in ka badan 85 kamid ah dugsiyada DPS. Barnaamijyadaan waxaa loo sameeyay inay u adeegaan dhammaan ardayda, ayna ku jiraan carruurta qaba naafooyinka. Boosaska la heli karo oo xaddidan awgeed, diiwaangelinta lama dammaanad qaadayo.
DPS waxay bixisaa barnaamijyada labadaba ilmaha 3-sano jirada ah (ECE-3) iyo kuwa 4-sano jirada ah (ECE-4). Ardeyda gaarta da'da 3 jir bisha Oktoobar 1 ama kahor waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan barnaamijyada ECE-3. Carruurta gaarta da'da 4 jir bisha Oktoobar 1 ama kahor waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan barnaamijyada ECE-4.
Dugsiga Barbaarintu waa lacag. Qarashka waxaa lagu go'aamiyaa cabirka khidmadaha ee xajmiga qoyska iyo dakhliga guud, waxayna u dhaxeysaa bilaash ilaa qiimaha degmada. Hase yeeshee, DPS waxay bixisaa kaalmada qarash dhaafka lacagta dugsiga ayadoo u marisa Colorado Universal Preschool, Barnaamijka Dugsiga barbaarinta ee Denver iyo ilaha kale ee maal gelinta.
Colorado Universal Preschool
DPS waxay kala shaqeysaa Waaxda Waxbarashada Carruurta Yaryar ee Colorado si loo sii wado balaarinta adeegyadeeda Waxbarashada Dhallaanka ayadoo la adeegsanaayo nidaamka diiwaan gelinta oo la yiraahdo Colorado Universal Preschool, oo sidoo kale loo yaqaano Universal Pre-K (UPK). UPK ayaa xaqiijiya in ilmo kasta oo jira 4 sano oo ku nool Colorado uu u qalmo ilaa 15 saacadood asbuucii oo ah adeegyada barbaarinta ee bilaashka ah sanadka kahor inta aysan u qalmin dugsiga xanaanada. Taageerada dheeraadka ah ayay heli karaan qoysaska loo arko inay danyar yihiin oo leh sababaha u qalmidda. Ardayda ECE-3 ee qaata Barnaamijka Waxbarashada Gaarka ah (IEP) ee lagu baxsho Waaxda Waxbarashada Gaarka ah ayaa sidoo kale u qalma maal gelinta lagu bixiyo UPK. Wixii xog dheeraad ah, booqo ess.dpsk12.org/childfind.
Qoysasku waa inay soo gudbiyaan codsiga UPK oo dheeri ku ah codsiga Dookha Dugsiga si ay u codsadaan maal gelinta. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Barnaamijka Colorado Universal Preschool, booqo upk.colorado.gov.
Barnaamijka Dugsiga barbaarinta ee Denver
Marka laga soo tago UPK, Barnaamijka Dugsiga barbaarinta ee Denver (DPP) ayaa bixiya caawimaada lacagta dugsiga ee dhammaan qoysaska reer Denver ee ay u joogaan ilmaha 4 jirada ah, ayadoo aan loo eegayn dakhligooda ama aqoonsigooda soo galootinimada. DPS waxay ku dartaa codsiga DPP qayb kamid ah hanaanka diiwaan gelinta Dookha Dugsiga, marka ma jiro hanaan u gaar ah oo lagu codsado.
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Barnaamijka Dugsiga barbaarinta ee Denver, booqo dpp.org.
Qoysaska doonaaya inay iska diiwaan galshaan barnaamijka ECE-3 waxaa aad loogu boorinayaa inay gudbiyaan codsiga Dookha Dugsiga inta lagu jiro Wareegga 1-aad, maadaama uu siinaayo fursado ugu fiican ee ka helitaanka boos barnaamijkooda dugsiga barbaarinta ee ay doorbidayaan. Qoysaska doonaaya inay iska diiwaan galshaan barnaamijka ECE-4 waxay u baahan doonaan inay buuxiyaan labadaba codsiga UPK iyo DPS ee Dookha Dugsiga.

Iskaan garee koodhka QR-ka ama booqo schoolchoice.dpsk12.org/ ece si aad u hesho tilmaamaha talaabo-talaabada ah iyo khayraadka hanaannada codsiga ECE ee Dookha Dugsiga iyo UPK.

WEBSEEDKA: earlyeducation.dpsk12.org
TALEEFANKA: 720-423-2678
IIMEYLKA: earlyeducation@dpsk12.org
DPS waxay bixisaa barnaamijyo xanaano oo tayo sare leh kuwaas oo kor u qaada horumarinta waxbarashada aasaasiga ah ee guusha tacliinta dugsiga hoose. Dhammaan dugsiyada hoose ee DPS waxay bixiyaan casharada maalinta oo dhan ah. Gobalka Colorado ayaa Maalgelinaya dugsiga xannaanada oo maalinti dhan la dhigto ee dhammaan ardayda. Sidaas awgeed, waa bilaash in la dhigto barnaamij kasta oo dugsiga xannaanada DPS kamid ah.
Ardeyda gaarta da'da 5 jir marka la gaaro ama kahor Oktoobar 1 ayaa u xaq u leh dugsiga xanaanada. Ardayda soo galaysa dugsiga xanaanada ayaa loo damaanad qaadayaa in diiwaan gelin ay ka helaan dugsiga xaafadooda ama midkood dugsiyada ku yaala aagooda diiwaan gelinta. Si aad u hesho dgsiga xaafadaada ama aaga diiwaan gelinta, booqo schoolchoice.dpsk12.org/find. Haddii aad ku nooshahay aaga diiwaan gelinta, ama aad leedahay dugsiga xaafada oo laguu qoondeeyay laakiin aad dooneyso in aad dhigato dugsi aan ahayn kan xaafadaada, waa inaad soo gudbisaa codsiga Dookha Dugsiga. Eeg bogga 8-aad si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah.

DPS ayaa leh in ka badan 90 dugsiyada hoose ah, 40 dugsiyada dhexe ah iyo 50 dugsiyada sare ah. Guud ahaan, dugsiyada hoose ayaa u adeega ECE ama dugsiga xanaanada ilaa fasalka shanaad, dugsiyada dhexe ayaa u adeega fasalka lixaad ilaa sideedaad halka dugsiyada sare u adeegaan fasalka sagaalaad ilaa 12aad. Ardaydii ugu danbaysay ee DPS ee laga diiwaan gashay fasalka shanaad ama sideedaad ayaa u baahan inay soo gudbiyaan codsiga Dookha Dugsiga si ay u codsadaan dugsi cusub sanadka soo socda. Eeg bogga 8-aad si aad u hesho wixii macluumaad dheeraad ah.
Dugsiyadeena ayaa bixiya noocyada kala duwan ee barnaamijyada tacliinta oo gaar ah iyo qaababka waxbarista. Qoysaska ayaa dooran kara dugsi leh diirada tacliinta ee gaarka ah, sida farshaxannada, STEM ama caalamiga, ama mid adeegsada hanaanka casharada gaarka ah sida waxbarashada ku saleysan kartida ama mashruuca, waxbarashada boobsiiska ah ama waxbarashada adeegga. Dhammaan dugsiyada DPS ayaa bixiya adeegyada hibada iyo xirfadda, waxbarashada gaarka ah iyo waxbarashada luuqadaha badan.
Xog badan oo ku saabsan barnaamijyadaan ka eeg bogaga soo socda oo booqo aalada Raadiyaha Dugsiga ee barta schoolchoice.dpsk12.org/ find si aad u aragto adeegyada gaarka ah ee dugsi kasta.

WEBSEEDKA: transportation.dpsk12.org
TALEEFANKA: 720-423-4600
IIMEYLKA: transportation@dpsk12.org
Adeegyada Gaadiidka ee DPS ayaa si badqab iyo hufnaan leh u qaada ardayda ayagoo siinaaya adeegga macaamiisha oo heer sare ah oo raacaaya mabaadii'da aasaasiga ah ee degmada.
Xogta ku saabsan gaadiidka dugsiyada gaarka ah ayaa laga heli karaa aalada Dugsiga Raadisa ee barta schoolchoice.dpsk12.org/ find.
Gaadiidka marinnada caadiga ah waa adeeg bixiya gaadiidka ka qaadaya ardayda astaanta oo gaynaaya dugsiga kadibna ku soo celinaaya astaanta oo leh baska dugsiga ee jaallaha ah ee ardayda dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe ee dhigta dugsiga xaafada. Si aad ugu qalanto:
■ Ardayda dugsiga hoose (fasallada xanaanada ilaa shanaad) waa inay ku nool yihiin meel u jirta wax ka badan hal mayl dugsiga xaafadooda.
■ Ardayda dugsiga dhexe (fasallada lixaad ilaa sideedaad) waa inay ku nool yihiin meel in ka badan 2.5 mayl u jirta dugsiga xaafadooda.
■ Ardayda dugsiga sare (fasallada sagaalaad ilaa 12aad) oo ka baxsan Central iyo Far Northeast Success Express Shuttles (Gaadiidka Basaska Yaryar ee Success Express) waxay xaq u leeyihiin Gaadiidka Goboleedka Dagmada (RTD) haddii ay dhigtaan dugsiyada xaafadooda oo ay ku noolyihiin meel u jirta in ka badan 2.5 mayl dugsigooda. Ardayda dugsiga sare ee u qalma waxay uga helayaan kaarka bilaha ah ee RTD ee baska si bilaash ah dugsigooda sanad dugsiyeedka 2026-27. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waddooyinka baska RTD, booqo transportation.dpsk12.org.
Gaadiidka marinnada caadiga ah waa adeeg bixiya gaadiidka ka qaadaya ardayda astaanta oo gaynaaya dugsiga kadibna ku soo celinaaya astaanta oo leh baska dugsiga ee jaallaha ah ee ardayda dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe ee dhigta dugsiga xaafada. Si aad ugu qalanto:
■ Ardayda dugsiga hoose ee ku nool ugu yaraan meel hal mayl u jirta dugsigooda oo dagan Aaga Diiwaan Gelinta ee Central
East, Aaga Diiwaan Gelinta ee Aaga Dugsiga Hoose ee Central Park, Aaga Diiwaan Gelinta ee Dugsiga Hoose ee Far Southeast, Aaga Dugsiga Hoose ee Northwest ama Aaga Dugsiga Hoose ee Southwest/Central ayaa xaq u leh gaadiidka.
■ Ardayda dugsiga dhexe ee ku nool meel ugu yaraan 2.5 mayl u jirta dugsigooda oo dagan Aaga Diiwaan Gelinta ee Dugsiga Dhexe ee Greater Park Hill/Central Park, Aaga Diiwaan Gelinta ee Dugsiga Dhexe ee Southwest ama Aaga Diiwaan Gelinta ee Dugsiga Dhexe ee West Denver ayaa u qalma gaadiidka.
Xog badan ka ogoow oo hel liiska dugsiyada u qalma ee Aag Kasta oo Diiwaan gelin adoo booqanaaya transportation.dpsk12.org/enrollmentzone.
Ardayda dhigta dugsiga Success Express Shuttle ayaa si otomaatig ah ugu qalma gaadiidka, ayada oo aan loo eegayn dhawaanta ama fogaanta ay dugsiga u jirto meesha ay ku nool yihiin. Basaska Success Express ayaa ka dhex shaqeeya dhammaan xaafadaha
Far Northeast iyo Central waxayna siiyaan arday badan fursad ay baska ku raacaan. Ka ogoow xog badan oo ku saabsan Success Express Shuttle oo ka hel jadwalka buuxa barta transportation.dpsk12.org/successexpress.
Ardayda dugsiga sare (fasallada sagaalaad ilaa 12aad) ayaa adeegsan kara Degmada
Gaadiidka Gobalka (RTD). Ardayda dugsiga sare ee u qalma ayaa awoodi doona inay ku raacaan RTD si lacag la’aan ah sanad dugsiyeedka 2026-27 marka ay haystaan aqoonsiga saxda ah. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waddooyinka baska RTD iyo u qalmidda, booqo transportation.dpsk12.org/rtd.
DUGSIYADDA MAGNET-KA
Gaadiidka waxaa heli kara dhammaan ardayda ka diiwaan gashan barnaamijka magnet ee buuxiya shuruudaha u qalmidda gaadiidka ee ku nool gudaha aaga gaadiidka magnet.
ISGAARSIINNADA BASKA
Waalidiinta ardaydooda raacdo baska dugsiga ayaa heli doona macluumaad iyo faahfaahin xiliga saxda ah oo ku saabsan adeegga baska ardaygooda. Ogaysiinada fariin qoraalka iyo codka ah ayaa loo dirayaa qoysaska marka basasku soodaahan wax ka badan 10 daqiiqo sababo la xariira dib udhaca wadooyinka, xaalada degdega ah ama cimilada. Waalidiinta ardayda u-qalma gaadiidka si otomaatig ah ayaa looga diwaan geliyaa si ay u helaan ogeysiisyada iyadoo lagu salaynayo lambarka taleefanka iyo cinwaanka iimaylka ee ay bixiyeen markii ay ardaygooda ka diiwaan-gelinayeen dugsiga. Waxaad xaqiijin kartaa aadna wax ka badali kartaa macluumaadkaaga xidhiidhka adigoo galaaya Barta Waalidka.
Waalidiinta ayaa sidoo kale soo degsan kara abka My Ride K-12 si ay u helaan xogta wadooyinka, ogeysiisyada baska soo daahay oo iskaan garayn kara xogta ardayda raacaysa/ka degaysa basaska. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo transportation.dpsk12.org/myride.
WIXII MACLUUMAAD DHEERAAD AH
Waxbarashada Gaarka ah
Barnaamijyada waxbarashada gaarka ah ee DPS waxaa lagu baxshaa qaab ku salaysan baahiyaha gaarka ah ee arday kasta. Adeega gaadiidka ayaa lagu baxsha asagoo ah mid la xariira adeegga ardayda dhigata barnaamijka xarumaha lagu baxsho. Wixii macluumaad ah oo ku saabsan gaadiidka ilmaha qaba baahiyaha gaarka ah, wac 720-423-2400 ama iimeyl u dir ess@dpsk12.org.
Waxbarashada Luuqadaha Badan
Haddii dugsiyada xaafadu aysan bixinayn adeegyada Waxbarashada Luuqadaha Badan (MLE), ardaydu waxay xaq u leeyihiin inay dhigtaan — oo ay helaan gaadiid ay ku tagaan — dugsiga ku yaala xaafadda ay joogaan kaas oo bixiya adeegyada MLE. Si aad u hesho goobaha ay ku yaalaan dugsiyada MLE iyo tilmaamaha gaadiidka, booqo mle.dpsk12.org.
Hanaanka Codsiga Shardi Dhaafka
Qoysaska ardayda aan u qalmin gaadiidka ama kuwa "doortay" dugsiyada aan ahayn kuwa xaafadooda waxay soo gudbin karaan codsi shardi dhaaf ah si loogu daro helitaanka gaadiidka. Codsigaan waxaa lagu diraa oonlaynka ayadoo la adeegsanaayo Barta Waalidiinta. Booqo myportal.dpsk12.org kadibna gal bogga “Gaadiidka”.
Booqo transportation.dpsk12.org/exceptionrequest si aad u hesho macluumaadka ku saabsan habka codsiga shardi dhaafka.

WEBSEEDKA: foodservices.dpsk12.org
TALEEFANKA: 720-423-5600
IIMEYLKA: foodservices@dpsk12.org
FALSAFADEENA
Haddaan nahay DPS, waxaan aaminsan nahay in caafimaadka iyo faya qabka ardaydu leeyahay muhiimada koobaad, waxayna ku bilaabayaa cuntada aan siino. 75% kamid ah cuntooyinka gebi ahaana waa kuwo markaas la karshay, laga bilaabo roodhiyada iyo suugooyinka ilaa basbaaska iyo waxyaabo kale oo badan. Kooxdeena cunto kariyaasha, xirfadleyaasha cuntada iyo khubarada ku dhaqanka xeerarka ee xarunta ayaa kulma asbuuc kasta si ay u tijaabiyaan maadooyinka cuntada, u qiimeeyaan dookhyada cuntada, ayna u xaqiijiyaan in cunto kasta buuxiso ama ka sareyso heerarka nafaqada ee federaalka ayna waafaqsan tahay Tilmaamaha Cuntada ee Healthy Americans (Ameerikaanka Caafimaadka qaba). Waxaan sidoo kale dhagaysanaa ardaydeena, anagoo u adeegsana talooyinkooda nidaaminta dookhyadeena cuntada iyo maadooyinka cuntada ee ay jecel yihiin. Waxaan ku faanaynaa in aan leenahay beerta cuntada ee degmada dugsigu maamusho wadanka oo dhan, ee heerka ganacsi ah, taas oo aan ka helno dalagyo aad u badan oo cusub oo ay helaan dugsiyadeenu. Markasta oo ay suuragal tahay, waxaan soo iibsanaa dalagyada lagu beero Colorado iyo deegaannada maxaliga ah. Cuntooyinkeena ayaa muhiimada saara noocyada kala duwan iyo isku dheelitirnaanta, ayagoo bixiya miro iyo khudaar cusub, barotiinnada ceeriin iyo kuwa maray warshadeynta fudud (labadaba kuwa xoolaha iyo kuwa beeraha) iyo raashinka baalka leh oo ay ka buuxaan nafaqooyinka muhiimka ah. Waxaan yareynaa dufanka xaydha ah, sonkorta lagu daro, iyo cusbada dheeraadka ah, anagoo adeegsana daawo dhireed iyo xawaashyo si aan u abuurno cuntooyin macaan, oo kaamil ah.
Ka eeg foodservices@dpsk12.org xog ku saabsan barnaamijka qadada iyo quraacda bilaashka ah ee barnaamijka Healthy School Meals for All (Cuntooyinka Dugsiga ee Caafimaadka leh ee Qof Kasta). Dhammaan qoysaska DPS waxaa lagu dhiiri gelinayaa inay buuxiyaan foomka You Benefit! si ay u helaan dheefaha kale, ayna ku jiraan qarash dhaafka, P-EBT, ayna heerka ugu sareeya u gaarsiiyaan maal gelinta degmada iyo maal gelinta dheeraadka ah ee dugsiga ilmahaaga.
Sharciga USDA 7 CFR Qaybta 15b ayaa ka doonaaya dugsiyada inay siiyaan badellada cuntooyinka ama dookhyada badelka ah ardayda
naafooyinkooda ama baahiyahooda caafimaadku xadideyaan dookhyadooda cuntada. Tan waxaa ku jira ardayda lagu daboolo Sharciga Section 504 ee Sharciga Baxnaaninta, Qaybta B ee Sharciga Waxbarashada Shakhsiyaadka Naafada ah (IDEA), ama ardayda uu ka helay baahida naafada/caafimaadka dhakhtar caafimaad. Xanuunnada waxaa ku jiri kara xasaasiyaadka cuntada, cudurada dheef-shiidka, xanuunnada kelyaha ama wadnaha, dhaawacyada maskaxda, iyo xanuunnada kale sida uu go’aanshay dhakhtarku. Si loo codsado isbadellada cuntada, foomka “Cadeynta Caafimaadka ee Wax Ka badelka Cuntada” waa inuu buuxiyaa dhakhtarka ardaygu. Ardayda leh Qorshaha 504 ama IEP ee horey loogu cadeeyay baahiyahaan cuntada ayaan u baahnayn inay keenaan bayaanka gaarka ah ee caafimaadka. Booqo foodservices.dpsk12.org si aad u hesho xog dheeraad ah.
Xagaa kasta, DPS ayaa ka qaybgasha Barnaamijka Adeegga Cuntada Xagaaga (SFSP) si looga caawiyo carruurta inay helaan nafaqada ay u baahan yihiin inta lagu jiro xagaaga. SFSP waa barnaamij ay maal geliso dawlada federaalku, uuna maamulo gobalku kaas oo siiya cuntooyin carruurta jira 18 sano iyo ka yar si bilaash ah, ayada oo aan loo eegayn dakhliga, isirka ama diinta. Barnaamijka xagaaga waxaa caadiyan lagu baxshaa sadex meelood hal meel dugsiyada DPS ee ku yaala xaafadaha ay aad ugu badan yihiin dadka danyarta ah, waxaana badanaa lagu baxshaa ayadoo lagu dhafaayo barnaamijyada xagaaga ama dugsiga xagaaga.

WEBSEEDKA: elcs.dpsk12.org
TALEEFANKA: 720-423-1781
WAA MAXAY DUGSIYADA WAXBARASHADA
DHEERAADKA AH IYO BULSHADA?
Haddaan nahay Dugsiyada Waxbarashada Dheeraadka ah iyo Bulshada (ELCS), waxaan aaminsan nahay in waxbarashadu aysan istaagin marka maalinta dugsigu dhammaato. Anagoo qayb wayn ka ah Dugsiyada Dadwaynaha ee Denver, shaqadeenu waa in aan siino arday kasta fursadaha badqabka leh, kobcinta leh, oo loo dhan yahay oo ka balaaran fasalka kana taageeraaya hormarkooda buuxa. Dhammaan barnaamijyadeena isbadbadelaaya, waxaan leenahay barnaamijyada balaaran ee kala duwan ee ka baxsan wakhtiga dugsiga waxaana ka taageernaa in ka badan 65 dugsi oo ku yaala Denver abuurista goobaha kobaca leh oo ardaydu ay wax ku baran karaan, ku kobci karaan, hormarna ku gaari karaan.
ADEEGYADA AAN BIXINO
Discovery Link waa barnaamij ay maamusho DPS oo bixiya kaamka nashaadaadka dugsiga kahor, dugsiga kadib iyo maalinta buuxda ee ardayda dugsiga xanaanada ilaa fasalka shanaad (goobaha qaar ayaa u adeega ilaa fasalka sideedaad). Discovery Link waxay bixisaa barnaamijyada lacagta ah, kuwo qiimaha jaban iyo kuwa bilaashka ah, ayadoo ku xiran goobta.
Wixii xog dheeraad ah, booqo elcs.dpsk12.org/discoverylink ama iimeyl u dir discovery_link@dpsk12.org.
Haddii aan dugsi loo aqoonsan goob lagu baxsho Discovery Link, fadlan la xiriir dugsiyada si toos ah si aad u hesho faahfaahin ku aadan barnaamijyadooda gaarka ah.
Little Links waa barnaamij ay maamusho DPS oo bixiya kaamka nashaadaadka dugsiga kahor, dugsiga kadib iyo maalinta buuxda ee ardayda Waxbarashada Carruurta Yaryar (ECE). Little Links wuxuu baxshaa barnaamijyo lacag ah oo lagu baxsho goobo gaar ah. Wixii xog dheeraad ah, booqo elcs.dpsk12.org/littlelinks ama iimeyl u dir discovery_link@dpsk12.org.
Haddii aan dugsi loo aqoonsan goob lagu baxsho Little Links, fadlan la xiriir dugsiyada si toos ah si aad u hesho faahfaahin ku aadan barnaamijyadooda gaarka ah.
ELCSports waa barnaamijka ciyaaraha dugsiga hoose oo ay maamusho DPS kaas oo u adeegga inta badan ardayda fasallada afraad iyo shanaad. Barnaamijkaan wuxuu waafaqsan yahay Ciyaaraha Dugsiga Dhexe iyo Dugsiga sare ee DPS asagoo
siiya ciyaaraha lamidka ah kuna shaqeeya hanaanka bixi lacag si aad u ciyaarto. Asagoo abuuraaya tubta fudud ee ciyaaraha dugsiga hoose ilaa dugsiga dhexe, ELCSports ayaa ka caawiya ardayda inay dhisaan xirfadahooda, kalsoonidooda, iyo diyaar garoowgooda fursadaha ciyaaraha mustaqbalka.
ELCSports ayaa bixiya adeegyada lacagta ah iyo kuwa qiimaha jaban ayadoo ku xiran goobta. Adeegyada goobahaan ayaa isbadeli kara sanadba sanadka ka danbeeya waayo barnaamijka ayaa ku shaqeeya qaabka “xulashada”. Wixii xog dheeraad ah, booqo elcs.dpsk12.org/ elcsports ama iimeyl u dir elcssports@dpsk12.net .
Kobcinta ELCS waa barnaamijka tijaabada waxbarashada oo ay maamusho DPS inta badana u adeegga ardayda dugsiga xanaanada ilaa fasalka shanaad, iyo ardayda ECE goobaha qaarkood. Ayadoo ay baxshaan Iskaashatada Bulshada DPS oo lagu kalsoon yahay, barnaamijyadaan ayaa siiya dookhyada xulashada cajiibka ah in ka badan 54 dugsi oo ku yaala degmada, ayadoo lagu baxsho mawduucyada ay ku jiraan ciyaaraha, STEM, farshaxanka, muusiga, cunto karinta, koodh samaynta, akhriska iyo qoraalka. Nashaadaadka Kobcinta ayaa la sameeyaa inta lagu jiro saacada koobaad kadib dugsiga, ayagoo si fudud u kaabaaya barnaamijka Discovery Link. Nashaadaadka wada shaqeynta leh waxaa loo sameeyay inay dhiiri geliyaan hal abuurka, dhisaan kalsoonida, ayna ka caawiyaan ardayda inay kobcaan aqoon ahaan, bulsho ahaan iyo shucuur ahaan — dhammaan ayagoo baashaalaaya.
Kobcinta ELCS inta badan waa mid lacag ah. Wixii xog dheeraad ah, booqo elcs.dpsk12.org/ enrichment ama iimeyl u dir enrichment_extendedlearning@dpsk12.org.

Xarumaha Caafimaadka Dugsiga ee Denver Health, oo ku yaal 19 xarumood oo DPS kamid ah, waxay siiyaan daryeel caafimaad, caafimaadka dhimirka, caafimaadka ilkaha iyo daryeelka caafimaadka habdhaqanka oo lacag la’aan ah arday kasta oo dhigta DPS iyo walaaladiis, ayadoo aan loo eegayn dugsigooda, xaaladooda caymiska ama awooda bixinta qarashka. Haddii aan dugsiga ilmahaagu lahayn xarun, waxaad adeegsan kartaa xarunta kuugu dhaw. Xarumahani waxay ku yaalaan meelaha soo socda:
■ Abraham Lincoln (2285 S. Federal Blvd.)
■ Bruce Randolph (3955 Steele St.)
■ East (1600 City Park Esplanade)
■ Evie Dennis Campus (4800 Telluride St.)
■ Florence Crittenton (55 S. Zuni St.)
■ George Washington (655 S. Monaco Parkway)
■ John F. Kennedy (2855 S. Lamar St.)
■ Kepner Campus (911 S. Hazel Court)
■ Kunsmiller (2250 S. Quitman Way)
■ Lake (1820 Lowell Blvd.)
■ Manual (1700 E. 28th Ave.)
■ Martin Luther King, Jr. Early College (19535 E. 46th Ave.)
■ Dugsiga Sare ee Montbello (5000 Crown Blvd.)
■ North (2960 Speer Blvd.)
■ Xarunta Noel (5290 Kittredge St.)
■ Place Bridge Academy (7125 Cherry Creek Drive North)
■ South (1700 E. Louisiana Ave.)
■ Thomas Jefferson (3950 S. Holly St.)
■ Dugsig Sare ee West (951 Elati St.)
Wixii xog dheeraad ah, booqo denverhealth.org/services/ school-based-health-centers .
WEBSEEDKA: gt.dpsk12.org
TALEEFANKA: 720-423-2056
IIMEYLKA: giftedandtalented@dpsk12.org
MAXAY YIHIIN ADEEGYADA HIBADA IYO XIRFADDA?
Dhammaan dugsiyada DPS waxay mas'uul ka yihiin buuxinta baahiyaha ardayda loo aqoonsaday inay leeyihiin hibada iyo xirfadda sare (HGT), iyo kuwa hibada iyo xirfadda leh (GT), iyo sidoo kale ardayda ku jirta kooxaha leh hibadda gaar ah. Dugsiyada ECE ilaa fasalka sideedaad waxaa lagu taageera macalinka GT, dugsiyada madaxa banaan waxaa lagu taageeraa qof lagala xiriiro oo loo qoondeeyay, halka dugsiyada sare lagu taageero macallimiinta GT iyo/ama koox joogta dugsiyada. Dhammaan dugsiyada DPS, labadaba kuwa degmadu maamusho iyo kuwa madaxa banaan, waxay taageero ka helaan Khubarada iyo/Maamuleyaasha Manhajka GT oo xafiiska dhexe shaqaalaysiiyo.
Adeegyada GT ee ka jira dugsiyada DPS waxay isugu jiraan faslaka caadiga ah, in macalinka loogu talagalay ardayda hibada leh lagala kaashado fasalka caadiga ah, barnaamijyada gudaha fasaka iyo kuwa ka baxsan fasalka, isku keenista kooxayo arday ah oo kala duwan, kooxaynta ardayda isku kartida ah, isku keenista manhajka, dardargelinta waxyaabaha la barto, fursadaha kobcinta iyo adeegyada magnetka (loogu talagalay ardayda loo qoondeeyay HGT ama u qalma barnaamijka magnet-ka). Adeegyadu way ku kala duwan yihiin dugsiyada waxaadna wax badan ka ogaan kartaa adeegyada gaarka ah ee dugsiga adiga oo qorshayaasha barnaamijka GT ka eegaya gt.dpsk12.org. Macallinka waxbarashada ardayda hibada leh wuxuu kala shaqeeynayaa macallimiinta fasalka si ay u kala saaraan wax-barida una siiyaan hababka ugu wanaagsan ee wax loo baro ardayda leh Qorshaha Waxbarashada Hormarsan (ALP). Adeegyada iyo fursadaha dheeraadka ah ayaa laga yaabaa inay diiradda saaraan horumarinta hibada ee ardayda aan si rasmi ah loo aqoonsan laakiin muujinaya inay baahi u qabaan meelaha qaarkood ee ka kamid ah tacliinta ama kartida. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijyada ardayda hibada iyo xirfadda leh fadlan kala xiriir macalinka GT ama qofka hawshaas u qaabilsan dugsigaaga ama ka eeg qorsheyaasha barnaamijka GT barta gt.dpsk12.org.
Waxaa jira siyaabo badan oo ardaydu ay ugu qalmi karaan adeegyada GT. Dhammaan ardayda fasallada koobaad iyo shanaad ayaa ka qaybgalaaya baaritaanka guud ee aqoonsiga ardayda GT u qalmi kara. Ardayda ku jira fasallada kale waxaa magacaabi kara macalimiinta ama waalidiinta/masuuliyiinta si ay sameeyaan qiimeynta garaadka ee la heli karo inta lagu mudooyinka imtaxaanka dayrta ama gu’ga. Codsiga iyo wakhtiyada loo cayimay ayaa laga heli karaa webseedka GT oo ah gt.dpsk12.org.
Barnaamijka ardayda Hibada iyo Xirfadda leh ayaa bixiya dookha waxbarashada ardayda dugsiga xanaanada ilaa fasalka sideedaad ee loo aqoonsaday inay u qalmaan magnet-ka (ME). Ikhtiyaarkan waxbarasho waxa loo bixiyaa si wax looga qabto baahiyaha aadka u daran ee ardayda laga yaabo inay muujiyaan karti garaad oo gaar ah iyo sidoo kale baahiyo bulsho iyo kuwo shucuureed oo gaar ah. U qalmida Magnet waxaa go’aansha dugsi kasta oo magnet ah.
Marka ilmo loo aqoonsado inuu u qalmo goobta magnet, qoysaska ayaa ku dari kara dugsiyada magnet-ka ee ardayda hibadda leh codsigooda Dookha Dugsiga. Sanad dugsiyeedka 2026-27, 11 dugsi ayaa loo qoondeeyay inay yihiin goobaha magnet-ka ee bixiyaha adegeyada ardayda hibada leh: Dugsiga Hoose ee Beach Court, Dugsiga Hoose ee Carson, Dugsiga Hoose ee Cory, Dugsiga Hoose ee Edison, Florida-Pitt Waller ECE-8, Dugsiga Bulshada ee Isabella Bird, Dugsiga Hoose ee Gust, Dugsiga Hoose ee Lena Archuleta, Dugsiga Dhexe ee Morey, Dugsiga Hoose ee Polaris iyo Dugsiga Hoose ee Teller.
Wixii xog dheeraad ah oo ku saabsan qoondeynta GT ama dookhyada dugsi magnet ah, fadlan booqo gt.dpsk12.org. Haddii aad su’aalo qabto, kala xiriir Waaxda Ardayda Hibada iyo Xirfadda leh ee DPS giftedandtalented@dpsk12.org ama 720-423-2056, ama la xiriir macalinkaaga GT ee hadda.

WEBSEEDKA: mle.dpsk12.org
TALEEFANKA: 720-423-2040
IIMEYLKA: dps_mle.groups@dpsk12.org
Luuqadda hooyo ee arday kasta waa raasumaal. Barnaamijyada
Waxbarashada Luuqadaha Badan (MLE) ayaa dhisa awoodaas ayagoo ka taageeraaya barashada Ingiriiska ayagoo haddana kobcinaaya aqoonta maadooyinka aasaasiga ah sida akhriska, xisaabta, sayniska iyo maadooyinka kale ee aasaasiga ah. Adeegyada MLE waxaa bixiya macalimiin xirfad u leh oo si gaar ugu tababaran Hormarinta Luuqadda Ingiriisiga si looga caawiyo Ardayda Luuqadaha Badan (MLLs) inay guul gaaraan.
Dhamaan ardayda luuqadooda hooyo aysan Ingiriiska ahayn aana wali si fiican u baran luuqada Ingiriiska ayaa u qalma adeegyada barnaamijka MLE. Inta lagu jiro diiwaan galinta, qoysaska dhamaan ardayda cusub ayaa buuxsha foom loo yaqaano Foomka Su'aal waydiinta la xariirta Luuqada Gurigga (HLQ) si ay u sheegaan luuqadaha ay ardayga iyo qoyskiisu ku hadlaan. Haddii luuqad aan ahayn Ingiriisiga lagu sheego, qoyska ayaa barnaamijka MLE u dooranaaya ilmahooda. Dugsiga ayaa qiimeeya heerka aqooneed ee luuqada Ingiriiska ee ilmaha iyo waxqabadka ardayga si loo go’aansho haddii ilmuhu u qalmo in uu helo adeegyada barnaamijka MLE.
DPS:
■ Barnaamijyada Ku-meel-gaarka ah ee Laba-luqadlaha ah ee Wax-kubaridda Luuqadda Hooyo (TNLI), oo sidoo kale loo yaqaan barnaamijyada laba-luqadlaha ah, ayay heli karaan ardayda MLLyada oo luuqadooda koowaad ay tahay luuqadda Isbaanishka. Barnaamijyada TNLI ee dugsiga hoose, ardayda waxaa ugu horayn wax lagu baraa luuqadda Isbaanishka fasallada koobaad. Marka ardaydu hormar ka sameeyaan barnaamijka, casharo badan oo Ingiriis ku baxaaya ayaa si tartiib ah loo kordhiyaa si marka ay gaaraan fasalka afraad, ay wax ugu bartaan Ingiriis iyo Isbaanish si siman, ayagoo ku qaadanaaya ku dhawaad nus kamid ah maalintooda luuqad kasta. Barnaamijyada TNLI ee dugsiga dhexe iyo dugsiga sare, ardayda ayaa ku qaata ku dhawaad labo casharadooda kamid ah luuqadda Isbaanishka teeram kasta.
Hadafka barnaamijyada laba-luqadlaha ah waa in laga caawiyo ardayda inay bartaan luuqada Ingiriisiga iyaga oo isla markaana soo kobcinaya xirfadahood akhriska iyo qoraalka iyo waxyaabaha kale
ee lagu baro luuqada Isbaanishka, taasoo u horseedaysa inay aqoon fiican ka helaan labada luqadoodba. Macallimiinta barnaamijyada laba-luqadlaha ah ayaa si gaar ah loogu tababaray inay ardayda ka caawiyaan inay bartaan luuqada Ingiriisiga inta ay baranayaan maaddooyinka kale, waxayna aad u yaqaaniin luuqada Isbaanishka. Casharada dugsiyada lagu baxsho TNLI waxaa haga Tilmaamaha Qoondaynta Luqadda oo ku salaysan cilmi-baaris, kuwaas oo go'aaminaya boqolleyda inta waqti ee loo qoondeynayo barashada luuqad kasta. Si aad u hesho xog ku saabsan dugsiyada baxsha casharada labada luuqadood laga bilaabo ECE ilaa fasalka 12aad ee gobal kasta, booqo mle.dpsk12.org/tnli.
■ Barnaamijka Labada Luuqadood waa barnaamij muddo dheer soconaaya kaasoo casharada ku bixinaaya labo luuqadood yoolkiisuna yahay hormarinta labada luuqadood, cilmiga labada luuqadood lagu barto iyo dhirigalinta dhaqanka. Heerka dugsiga hoose, barnaamij kasta oo labo luuqadle ah oo degmadu maamusho waxaa ku jira ugu yaraan 50% casharo ku baxaaya Isbaanish. Heerka dugsiga dhexe iyo sare, fanka luuqadda Isbaanishka iyo hal cashar ayaa sidoo kale lagu dhigaa afka Isbaanishka. Ayadoon laga fiirinayn barnaamijka, dhamaan ardayda luuqada Ingiriisiga barata waxay helayaan casharo maalin kasta ah oo gaar u ah Hormarinta Luuqada Ingiriisiga (ELD), kuwaasoo ardayda siiya agabyada aasaasiga u ah ku hadalka iyo qorista luuqada Ingiriisiga.
■ Casharka Ingiriisiga oo ah Luuqadda Labaad (ESL, oo sidoo kale la yiraahdo ELA-E) waxaa loogu talagalay MLL-yada ku hadla luuqad un. Barnaamijyada ELA-E, ardayda ayaa wax la baranaaya ardayda facood ah ee luuqadda Ingiriisiga ku dhashay, ayadoo dhammaan maadooyinka lagu dhigaayo luuqadda Ingiriisiga, lana siinaayo taageerada luuqada hooyo marka loo baahdo. Macalimiinta dhiga barnaamijkaan si gaar ah ayaa loogu tababaray si ay ardayda uga caawiyaan inay bartaan Ingiriisiga intay baranayaan maadooyinka kale sida akhriska, sayniska iyo xisaabta. Dugsiyadu waxay sidoo kale taageero dheeraad ah ku bixin karaan luuqadaha guriga looga hadlo iyaga ardayda u qoondeynaya macalin ku hadla luqadooda hooyo ama macalinka Illaha ELA-S.
■ Shahaadada DPS ee Seal of Biliteracy (Abaal-marinta Aqoonta Labada Luuqadood) ayaa la siiyaa ardayda sida faseexa ah ugu hadla labo luuqadood ama wax ka badan marka ay ka qalin jebiyaan dugsiga sare. Shahaadada waxaa lagu muujiyaa warqadda natiijada iyo diblomada qalin jebinta ee ardayga dugsiga sare ka qalin -jabinaya waana bayaan tilmaamaya guulaha loogu faani karo shaqo-bixyeyaasha mustaqbalka iyo aqbalaadaha kuleejyada. Wixii macluumaad dheeri ah, booqo mle.dpsk12.org/sealofbiliteracy.
■ Xarumaha Dadka Wadanka Ku Cusub waxaa si gaar ah loog naqshadeeyay ardayda ku cusub Mareykanka, ay ka kala go’day waxbarashadu oo bilaabaaya inay bartaan Ingiriisiga. Barnaamijyadaan ayaa ka caawinaaya ardayda inay la qabsadaan nidaamka waxbarashada ayagoo haddana dhisaaya xirfadahooda tacliinta iyo luuqadda. Xarumaha Dadka Wadanka ku cusub ayaa ku yaala Dugsiga Hoose ee Montclair (fasalka koobaad ilaa shanaad), Dugsiga Hoose ee Newlon (fasalka koobaad ilaa shanaad), Place Bridge Academy (fasalka koobaad ilaa sideedaad), Dugsiga Dhexe ee Merrill (fasallada lixaad ilaa sideedaad), Dugsiga Dhexe ee Montbello (fasallada lixaad ilaa sideedaad), Dugsiga Sare ee Montbello (fasallada sagaalaad ilaa 12aad), Dugsiga Sare ee Abraham Lincoln (fasallada sagaalaad ilaa 12aad) iyo Dugsiga Sare ee South (fasallada sagaalaad ilaa 12aad).
MA U BAAHAN TAHAY MACLUUMAAD DHEERAAD AH?
Booqo mle.dpsk12.org si aad u hesho liiska barnaamijyada MLE ee dugsi kasta oo DPS kamid ah, Waxaad sidoo kale ka wici kartaa Xafiiska MLE 720-423-2040 ama la xiriiri kartaa dugsigaaga si aad u hesho xog badan oo ku saabsan adeegyada MLE.
WEBSEEDKA: ess.dpsk12.org
TALEEFANKA: 720-423-2400
IIMEYLKA: ess@dpsk12.org
GAARKA AH?
Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah waxaa loogu talagalay ardayda u qalma wax-baridda sida gaarka ah loo habeeyay taasi oo ay sabab u tahay naafada waxbarashada ee lagu qeexay Sharciga Waxbarashada Shakhsiyaadka Naafada ah (IDEA). Haddii arday uu u qalmo, Barnaamijka Waxbararashada Gaarka ah (IEP) ayaa loo aburaa si loo siiyo casharo gaar loogu sameeyay ardayga. Ardaydu waxaa ay sidoo kale u qalmi karaa oo heli karaan taageero ay baxshaan adeeg bixiyayaasha la xiriira sida kalkaaliyayaasha, dhakhtarada cilmu-nafsiga ee dugsiga, shaqaalaha bulshada, dhakhaatiirta luuqadda iyo hadalka, dhakhaatiirta maqalka, turjubaannada waxbarashada luqadda dhegoolaha, mutacalimiin farta indhoolayaasha ku takhasuusey, dhakhaatiir ku takhasuustay jihaynta iyo dhaqdhaqaaqa, macallimiinta dhegoolayaasha iyo dadka maqalka adag, macallimiinta indhoolayaasha ama dadka aragga naafada ka ah, macalimiinta waxbarashada hore ee caruurnimada, dhakhtaatiirka shaqada iyo dhakhtaatiirka baxnaanada jirka.
Arday kasta oo u qalma sida ku cad IDEA ayaa u qalma inuu helo adeegyada Waxbarashada Gaarka ah oo lagu baxsho midkood ama ka badan qaybaha naafada ee lagu aqoonsaday IDEA. Waalidiinta/ masuuliyiinta ayaa door ku leh hanaanka qiimeynta iyo u qalmida, iyo sidoo kale abuurista Qorshaha IEP.
Erayga "ilmo naafo ah" waxaa laga wadaa: Ilmo lagu qiimeeyay sida ku cad sharciga IDEA oo la cadeeyay inuu qabo naafooyinka garaadka, naafada maqalka oo ay ku jiraan maqal la'aan, naafada hadalka ama luuqadda, naafada aragga ayna ku jirto indho la'aanta, dhibaatada daran ee shucuurta (oo lagu qeexo gudaha IDEA inuu yahay xanuunka shucuurta), naafada lafaha, autismka, dhaawaca maskaxda, naafo kale oo dhanka caafimaadka ah, naafada gaarka ah ee waxbarashada, indho iyo dhago la'aan, ama naafooyin badan, kuwaasoo, sabab la cadeeyay awgeed, u baahan waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada la xiriira.
HALKEE AYAA LAGA HELAA ADEEGYADA WAXBARASHADA GAARKA AH?
Waa mas'uuliyad iyo waajib na saaran anaga in aanu siino ardayda u qalma waxbarashada gaarka ah si ay u helaan Waxbarasho Dadweyne oo Bilaash ah oo Ku Haboon kuna helaan Goob Aan Aad u Xadidnayn. Dhammaan dugsiyada DPS, oo ay ka mid yihiin dugsiyada madaxa banaan, waxay bixiyaan adeegyo joogto ah si ay u daboolaan baahiyaha gaarka ah ee ardayda naafada ah. Dhammaan dugsiyadu waxay awoodaan inay bixiyaan barnaamijka ardayda qaba baahiyaha gaarka ah oo u dhexeeya kuwo fudud ilaa kuwo dhexe.
Ardayda qaarkood waxay u baahan yihiin barnaamijyo gaar ah oo heerkoodu aad u sareeyo si loo daboolo baahiyahooda waxbarasho ee gaarka ah. Barnaamijyadeen waxbarashada gaarka ah ee xarumaha lagu baxsho ee DPS waa fasallo gaar ah oo u adeega ardayda laga bilaabo ECE dugsiga sare waxayna ku yaalaan dugsiyadeena xaafada, madaxa banaan u shaqeeya iyo kuwa hal abuurka ee degmada oo dhan. Barnaamijyada Xaruntu waxaa si istaraatiiji ah ugu yaalaan guud ahaan xaafadaha degmada iyo magaalada si ay u helaan agabyada iyo illaha loo baahan yahay si loogu adeego ardayda baahiyaha gaarka ah qaba iyadoo lagu siinayo adeegyada sida ugu dhow ee suurtogalka ah guriga arday kasta. Barnaamijyadan waxaa loogu talagalay oo loo qaabeeyay inay bixiyaan taageero heer sare ah oo ku saleysan baahiyaha gaarka ah iyo kuwa shakhsiga ah ee ardaydeena. Guud ahaan, barnaamijyadeena xarumaha lagu baxsho waxay diiradda saaraan baahiyaha ardayda ee meelaha ay ka mid yihiin, laakiin aan ku xaddidnayn: tacliinta, hab dhaqanka, isgaarsiinta, bulshada/shucuurta, la qabsiga, shaqeynta, jirka iyo/ama madax banaanida.
Marka ardaygu u qalmo adeegyada waxbarashada gaarka ah, barnaamijka IEP-da ayaa qeexaaya adeegyada uu ardaygu u baahan yahay. Marka ardaygaaga la geeyo dugsi, fadlan si toos ah ugala shaqee maamulka dugsiga si loo xaqiijiyo in adeegyada IEP-da isla markaba loo bilaabi karo.
Waa maxay Sharciga Section 504?
Sharciga Section 504 ee Sharciga Baxnaaninta waa sharciga xuquuqda madaniga ah ee federaalka ee Mareykanka oo mamnuucaaya takoorka ka dhanka ah shaqsiyaadka naafada ah ee barnaamijyada iyo hawlaha helaaya kaalmada dhaqaale ee federaalka. Sharcigaan wuxuu quseeyaa dugsiyada dawlada iyo hay’adaha kale ee hela maal gelinta federaalka, wuxuuna xaqiijiyaa in shaqsiyaadka naafada ah ay helaan helitaan loo siman yahay iyo fursado ay uga qaybgalaan dhammaan qaybaha waxbarashada dadwaynaha iyo barnaamijyada kale ee federaalku maal geliyo.
Yaa u qalma sida Ku cad Sharciga Section 504?
Sida ku cad Sharciga Section 504, qof qaba naafo ayaa lagu qeexaa qof kasta oo qaba naafada jidhka, dhimirka ama caafimaadka oo si wayn u xadidaysa hal ama ka badan hawlaha nolosha ee waawayn. Naafooyinkaan waxaa ku jiri kara xanuunnada saamaynaa dhaqdhaqaaqa, maqalka, aragga, waxbarashada ama faya qabka shucuurta. Erayga “naafo” waxaa ku jira xanuuno badan oo kala duwan, waxaana loogu talo galay xaqiijinta in shaqsiyaadka waajahaaya caqabadaha hawl maalmeedyadooda sababo la xiriira naafooyinkooda laga difaaco takoorka lana siiyo caawimaadaha iyo adeegyada ku haboon si loogu sahlo helitaanka loo siman yahay ee goobta waxbarashada iyo barnaamijyada ama nashaadaadka kale.
Ardayga waa in la qiimeeyaa oo la go’aanshaa inuu u qalmo Section 504 kahor inta aan loo abuurin Qorshaha Sharciga Section 504.
Sidee ayaan Ku Codsanayaa Qiimeynta Sharciga Section 504? Haddii adiga iyo/ama qof ku jira kooxda dugsiga ardaydaadu ka shakiyo naafada jirka, caafimaadka dhimirka ama naafada caafimaadka oo saamayn karta helitaankiisa adeegyada goobta waxbarashada, dugsiga ayaa bilaabi kara hanaanka Sharciga Section 504. Fadlan toos ula shaqee dugsiga si aad u xaqiijiso in Hanaanka Sharciga Section 504 la bilaabi karo isla markaba.

Hormarinta lagu bixiyo Go’aaminta Gaarka ah (AVID) waa barnaamijka diyaar garoowga kuleejka ee ardayda dugsiga xanaanada ilaa fasalka 12aad kaasoo ah mid wada shaqeyn leh, adag, oo diirada saaraaya ardayda asagoo ardayda baraaya inay u fakaraan si hufan, oo ay wada shaqeeyaan ayna degsadaan himilooyinkooda gaarka ah ee mustaqbalka. Iyada oo ah istaraatijiyad muhiim ah oo ku aadan daboolista fursadda maqan, ardayda
AVID waxaa lagula xisaabtamayaa heerarka ugu sareeya ee tacliinta iyo taageerada bulshada si ay u gaaraan kartidooda buuxda. AVID waxay ardayda u diyaarisaa guusha waxbarashada dugsiga sare kadib asaga oo baraaya xirfado muhiim ah, hababka tacliinta iyo aqoonta kuleejka ah si ay u dareemaan awood ay ku qaataan mas'uuliyadda waxbarashadooda. AVID ayaa lagu baahinayaa dhismaha oo dhan heerka dugsi hoose iyo dugsi dhexe iyo fasal dheeri ah oo lagu daraayo heerka dugsiga sare. Booqo ccs.dpsk12.org/avid si aad u hesho xog dheeraad ah.
Casharada Meelaynta Heerka Sare ah (AP)waxay ka caawiyaan ardayda dugsiga sare inay u diyaargaroobaan kuleejka iyadoo siinaaya khibrad adag, oo tan kuleejka oo kale ah. AP waa manhaj uu abuuray Guddiga Kuleejka oo bixiya koorsooyin guu oo loo aqoonsan yahay inay u dhigmaan koorsooyinka jaamacadeedka ee kuleejka. Ardayda hela dhibcaha u qalma imtixaanka qaran ee AP ayaa laga yaabaa inay awoodaan inay helaa dhibcaha iyo meeleyn heer sare ah iyagoo ka qaybgalaya kuleejyada iyo jaamacadaha, taasi oo u badbaadinaysa lacag iyo wakhti ladaba inta lagu jiro sanadahooda kuleejka. Casharada AP ayaa laga heli karaa dhammaan fasallada dugsiga sare. Buundada 2 oo u qalanta oo laga helo imtaxaanaadka AP qaarkood ayaa muujin karta kartida Xisaabta iyo/ama Ingiriiska, taas oo ah shardi ku xiran qalin jebinta. Ardayda ayaa heli doonaa buundada la miisaamay ee GPA-ga oo leh buundada gudbidda ee fasalka. Booqo ccs.dpsk12.org/ap si aad u hesho xog dheeraad ah. Barnaamijka Tababarka Saraakiisha Kaydka ah ee Dhalinyarada Ciidanka (JROTC) waa barnaamij cajiib ah oo la siiyo ardayda dugsiga sare kaasoo ardayda bara shaqsiyada wanaagsan, guusha ardaynimo, caafimaadka iyo badqabka, hogaaminta iyo kala duwanaanta. Marka laga reebo inuu hormarinaayo muwaadinimada, JROTC wuxuu sidoo kale u diyaarshaa ardayda dookhyada dugsiga sare kadib, ayna ku jiraan kuleejka iyo shaqada. Ayadoo la adeegsanaayo barnaamijyada gaardiga iyo tartanka kooxaha, ardaydu waxay baranayaan xirfadaha shaqada oo muhiim ah sida hogaaminta, wada shaqaynta, maaraynta waqtiga, edbinta naftooda iyo wada xariirka. JROTC waxaa loogu xisaabshaa buundada waxbarashada shuruudaha qalin jebinta. Booqo ccs.dpsk12.org/jrotc si aad u hesho xog dheeraad ah.
Barnaamijyada Farshaxanka waxay ka kooban yihiin fanka waxbarashada (fanka muuqaalka ah, masraxa, qoob ka ciyaarka, muusiga) sahminta iyo fursadaha hawlgelinta ardayda, is-muujinta shakhsi ahaaneed iyo horumarka garaadka.
Hormarinta Ardayda ayadoo la adeegsanaayo Diiwaan Gelinta Isfeer Socota (ASCENT) waa barnaamijka dugsiga sare ee sanadka shanaad kaas oo u ogolaanaya ardayda DPS ee xaqa u leh fursad ay wax ku bartaan hal sano oo waxbarashada kuleejka ah oo bilaash ah! Ardaydu waxay barnaamijka ASCENT ka qaybqaataan sanadka ku xiga kadib fasalka 12aad waxayna dooran karaan inay ka qaataan mid ka mid ah sideeda kuleej ee ku yaal agagaarka Denver. Ardeyda qaybta ka ah barnaamijka ASCENT waxay helaan waxbarasho lacag la'aan ah iyagoo sidoo kale helaya adeego la-talin iyo taageero.
Fadlan ogoow in Xeerka Aqalka Sare ee lambarkiisu yahay 25-315, oo ay ansixiyeen Golaha
Shacabka ee Colorado bishii Maajo 2025, uu qasab ka dhigaayo baabi’inta barnaamijka ASCENT kadib sanad miisaaniyadeedka 2025-26. Inkasta oo barnaamijkaan si tartiib ah loo joojin doono, Waaxda Waxbarashada ee Colorado ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto qiimeynta barnaamijyadeena u diyaar garoowga dugsiga sare kadib iyo shaqada si loo go’aansho sida maal gelinta loo qoondeyn doona mustaqbalka. Haddii aad qabto su’aalo ama aad dooneyso xog dheeraad ah, fadlan iimeyl u dir careerandcollegesuccess@dpsk12.org.
Waxbarashada Isku Dhafan waxay isku-dartaa qaabka xog gudbinta casriga ah iyo qaababka dabiiciga ah ee waxbarashada fasalka.
Waxbarashada Xirfada iyo Farsamada (CTE) waa barnaamijyada Guusha Xirfada iyo Kuleejka kuwaasoo siiya ardayda fursad ay iskaga diiwaan gashaan tubaha waxbarashada la xiriirta shaqada (barnaamijyada dugsiga oo leh koorsooyin loo sameeyay, kuwaasoo waafaqsan shaqada). Tubaha waxaa loo sameeyay inay siiyaan dhammaan ardayda shahaadada ganacsiga ama shahaadada kuleejka marka ay dhameeyaan. Ayadoo la adeegsanaayo koorsooyin ku dhisan aduunyada dhabta ah, mashaariicda, oo waafaqsan shaqada, ardayda ayaa baranaaya xirfado shaqo iyo farsamo si ay ugu diyaar garoobaan xirfadaha ganacsiga. Si aad u hesho xog ku saabsan barnaamijyada CTE iyo tubaha xirfada ee laga heli karo dugsi kasta, booqo ccs.dpsk12.org/cte.
Horumarinta Xirfadda yaa la siiyaa ardayda iyagoo loo marinaayo taxaneyaasha
Waxbarashada Kuleejka iyo guusha xirfadaha Shaqada ku salaysan. DPS waxay iskaashi la samaynaysaa ganacsiyada, ururada khayriga ah iyo wakaaladaha dawlada si ay u bixiso khibradaha waxbarashada ku saleysan shaqada sida hadal u jeedinta martida ee xirfadeed, tababarada shaqada, shaqo barashada, hagista, tababarada xirfada iyo waxyaabo kaloo badan. Barnaamijyadan waxaa loo sameeyay inay siiyaan ardayda fasalka xanaanada ilaa fasalka 12aad sharaxaada ku aadan xirfada iyo fursadaha hormarinta kuwaasoo u sahla inay gaaraan hamigooda iyo waxyaabaha ay xiiseynayaan ayna gaaraan go'aanno faahfaahsan oo ku saabsan mustaqbalkooda shaqada. Inta ardaydu baranayaan waxbarashada heerka sare ah ee shaqada ku saleysan, waxay bilaabayaan inay yeeshaan xirfadaha u diyaar garoowga shaqada iyo xirfadaha farsamada ee ganacsiyada kala duwan. Ka sokow hirgelinta joogtada ah ee barnaamijka waxbarashada ee ku salaysan shaqada, kooxda Horumarinta Xirfaddaha Shaqo waxay ardayda ku caawiyaan wada-hadallo shaqo oo waxtar leh si ardaydu u gaaraan go'aamo ay xog-ogaal u yihiin oo gacan ka geysta hadafkooda shaqo. Waxay sidoo kale iskaashi la sameeyaan dugsiyada si loo abuuro Warbixinnada Galka Guusha Xirfadda iyo Kuleejka ee Ardayga oo gaar ah. Warbixinadaan waa kuwo gaar ah oo bixinaaya faahfaahin ku saabsan tubta guusha xirfadda iyo kuleejka ee ardayga ayna ku jiraan xiiseyaasha xirfadda, ka qaybgalka koorsooyinka Waxbarashada Heerka sare ah iyo khibradaha shaqada oo taageeraaya himilooyinkooda mustaqbalka. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijyada Horumarinta Xirfadda Shaqo iyo tubaha laga heli karo dugsi kasta, booqo ccs.dpsk12.org. Imtaxaannada Barnaamijka Imtaxaanka Heerka Kuleejka (CLEP) waa imtaxaanaadka Gudiga Kuleejka oo loo sameeyay inay ardayda ku imtaxaamaan maadooyinka ay horey u yaqaaneen.
Ardayda ku baasa imtaxaanka CLEP ayaa helaaya buundooyinka kuleejka oo u qalma ku baasida koorsooyinka kuleejka, taasoo u sahlaysa ardayda inay u adeegsadaan imtaxaanaadka CLEP si ay u badbaadiyaan wakhti iyo lacag uga bixi lahayd shahaadada kuleejka. Imtaxaanka CLEP ayaa lagu samayn karaa xili kasta dugsiga sare ee ardaygu dhigto. Si aad u hesho xog dheeri ah, iimayl u dir concurrent_enrollment@dpsk12.org.
Xarumaha Bulshadda ayaa bixiya adeegyo taageeraaya baahiyaha bulshada, shucuurta, jirka iyo tacliinta ee dadka waawayn iyo carruurta si dhammaan ardaydu ay u helaan fursad loo siman yahay oo ay u sameeyaan hormar. Xarumaha Bulshada ayaa u adeegga dhammaan dadka waawayn iyo carruurta, maaha keliya ardayda DPS. Booqo face.dpsk12.org si aad u hesho xog dheeraad ah.
Waxbarashada Ku Saleysan Kartidda ayaa u sahlaysa ardayda dookhyo ay ku sameeyaan hormar ayagoo si fiican u baranaaya maadooyinka cilmiga, ayadoon laga eegayn waqtiga, goobta ama booska waxbarashada ay kaga jiraan.
Diiwaan Gelinta Isfeer Socota (CE) iyo Diiwaan Gelinta Labada Barnaamij (DE) ayaa siinaaya ardayda fursad ay iskaga diiwaan gashaan koorsooyinka kuleejka, si wadajir ah ayagoo helaaya buundada dugsiga sare iyo tan kuleejka.
Diiwaan gelinta isbarbar socota ayaa lagu qeexaa diiwaan gelin iskumar dhacaysa oo arday u qalma laga diiwaan gelinaayo dugsi sare oo degmadu leedahay iyo mid ama ka badan kamid ah koorsooyinka kuleejka, ayna ku jiraan koorsooyinka waxbarashada shaqada iyo farsamada, kuwaasoo ay ku jiri karto shaqo la xiriirta barnaamijyada tababarka shaqada ama barnaamijyada biloowga shaqada, laguna baxsho xarunta waxbarashada sare. Diiwaan gelinta Isbarbar socota waa in lagu baxshaa si lacag la'aan ah lana siiyaa ardayda u qalma. Koorsooyinka waa in lagu dabaqaa waxbarashada kobaca ama shahaadada kuleejka, shahaadada ama koorsada gateway, ama loo wareegsan karaa xarumaha gobalka ee waxbarashada sare. Diiwaan Gelinta labada meelood ayaa lagu qeexaa diiwaan gelinta koorsooyinka kuleejka oo aan ku jirin shuruudaha sharciga ah ee diiwaan gelinta isfeer socota. Diiwaan gelinta labada meelood ayaa lahaan karta xadidaado dheeri ah, iyo/ama shuruudo, iyo qiimaha sareeya ee diiwaan gelinta. Tusaaleyaasha ayaa noqon kara qiimaha lacagta waxbarashada oo saraysa iyo xadidaadaha heer fasal. Si aad u hesho xog dheeraad ah, iimayl u dir kooxda Diiwaan Gelinta Isfeer socota oo aad ka helayso concurrent_enrollment@dpsk12.org.
Soo Kabista Buundada waxay ardayda siinaysaa ikhtiyaarka ah inay kasbadaan buundooyinka fasalada aysan si buuxda si dhammeystirin si ay ugu socdaan wadada qalin jabinta. DPS waxay bixisaa Soo Kabista Buundada (Credit Recovery) ayadoo adeegsanaysa Edgenuity dhammaan dugsiyada sare ee degmada ay maamusho ayadoo loo marinaayo barnaamijka oonlaynka ee kartida ku saleysan ee macalinku taageero. Hay’ada Deeqda Waxbarashada ee Denver (DSF) waa hay’ad khayri ah oo ka caawisa kuleejyada inay suurageliyaan ayna dhisaan mustaqbalka waxbarashada iyo dhaqaalaha Denver. La Taliyaasha Kuleejka ee DSF ee Wakhtiga buuxa shaqeeya ayaa si hortabin leh ula shaqeeya ardayda fasalka sagaalaad ilaa 12aad ee Xarumaha Mustaqbalka ee DSF oo ku yaala gudaha dugsiyada sare ee DPS. Barnaamijka sadexda qaybood ee DSF wuxuu ka kooban yahay nidaamyada taageerada, agabka talaabada laga qaadi karo iyo deeqaha waxbarashada si ay gacan uga gaystaan ku hagista ardayda kuleejka, shaqada iyo nolosha mustaqbalka. Booqo denverscholarship.org si aad u hesho xog dheeraad ah. EdConnect waa tubta waxbarashada degmada oo dhan oo lagu doonaayo in laga dhigo ardaydeena hadda macalimiinta berito. Barnaamijka EdConnect ayay si guud u heli karaan ardayda dhammaan dugsiyada sare waxaana laga heli karaa dugsiyada sare qaarkood. Barnaamijka EdConnect waxaa loo sameeyay inuu ardayda fahansiiyo koorsooyinka biloowga ah
ee kuleejka uuna ku dardar-geliyo ardayda inay qaataan koorsada iyo ruqsada macalinimada. Dhalinyarada dhigata barnaamijka EdConnect waxaa laga diiwaan gashaan ECE, dugsiga hoose iyo dugsiyada dhexe ee DPS si ay u helaan waxbarasho ku saleysan shaqada. Iimeylka concurrent_enrollment@dpsk12.net si aad u hesho xog dheeri ah.
Waxbarashada Degdega ah, ama Waxbarashada EL, waa nidaam waxbarasho oo aasaasi ah oo ku habboon cilmiga sayniska waxbarashada iyo horumarinta. Waxbarashada EL waxay isku dhaftaa habka waxbarashada caadiga ah iyo adeegga bulshada iyo mashaariicda dunida dhabta ah ee ku dhiirigelisa ardayda inay sahamiyaan waxyaabaha ka jira aduunyada ka baxsan fasalkooda, iyaga oo awood u siinaysa inay gaaraan horumar dhinacyada bulsho ahaan, shucuur ahaan iyo tacliin ahaanba.
Barnaamijyada International Baccalaureate (IB) waxay bixiyaan habab ballaadhan oo loogu talagalay waxbarashada sare. IB-da Sanadaha Ugu Horeeya, Sannadaha Dhexe, iyo Barnaamijyada Dibloomada waxay bixiyaan manhaj adag oo ah mid joogto ah oo aad looga tixgeliyo adduunka. Dugsiyada IB-da waxay diirada saaraan yoolal heer caalami ah oo dhanka waxbarashada iyo waxbarida ah, ayagoo ardayda ka taageeraya barashada buuxdo ee dhaqankooda iyo luuqadooda. Waxbarashada IB-da waxay gacan kagaysataa kobcinta garaadka, shaqsiyada, dareenka iyo wacyiga busho oo ardayda u diyaarinaaya inay guul kakeenaan aduunyada sida xawliga leh u kobcaysa. Dhibcaha u-qalmitaanka ee 2s ee qaarkood imtaxaannada IB waa mid ka mid ah ikhtiyaaradda muujin kara aqoonta xisaabta iyo aqoonta Ingiriisiga, taas oo shuruud ah xilliga qalin-jabinta. Ardayda qaadata koorasyada IB-da iyo imtixaannada dugsiga sare waxay guul ka gaaraan nidaamka gelitaanka kuleejka waxayna fursad u helaan inay ku kasbadaan buundooyin ama horumarka sare inta badan kuleejyada iyo jaamacadaha ee Maraykanka. Booqo ccs.dpsk12.org/ib si aad u hesho xog dheeraad ah.
Dugsiyada Diirada Caalamiga ah waxay bixiyaan manhaj gaar ah oo fasalka ku xiraya aduunka oo dhan. Ardaydu waxay sahamiyaan dhaqamada kala duwan iyo aragtida caalamiga ah iyagoo horumarinaya xirfado kuwaas oo ka caawin doona inay ku guuleystaan adduunkan degdega isku badelaaya.
Barnaamijyada Montessori waxay kormeeraan oo taageeraan kobaca dabiiciga ah ee carruurta oo lagu bixinaayo goob waxbarasho oo qofku ishagaayo. Barnaamijyada DPS Montessori waxay diiradda saaraan ka caawinta carruurta horumarinta hal abuurka, xalinta mushkiladaha, xirfadaha bulshada iyo maareynta wkahtiga.
Dugsiyada diirada saara Dhaqanka iyo Waxbarashada Dhaladka Mareykanka (NACE) ayaa adeegyo taageero ah bixiya ayagoo isku keena ardayda wadaaga hidaha iyo dhaqanka. Shaqaalaha NACE waxay xaqiijiyaan in ardaydu helayaan dhamaan fursadaha iyo kheyraadka degmada. Hadafku waa in la kordhiyo heerka qalin-jabinta ardayda Hindida Maraykanka iyo ardayda dhaladka ee Alaska. Booqo schooltransformation.dpsk12.org/nace ama wac 720-4232042 si aad u hesho xog dheeraad ah.
Waxbarashada Gaarka ah waa qaab waxbarasho oo diirada saaraaya dhisida aqoonsiyada ardayda ah barteyaasha mudada dheer, si ay muddo kadib, u yeeshaan dareenka buuxa ee wakaalada bartaha iyo mulkiyada hormarkooda waxbarashada. Barnaamijyada Kahor Kuleejka waxay diiradda saaraan diyaarinta ardayda si ay u sii wataan waxbarashadooda kadib dugsiga sare, waxaa ku jiri kara kasbasho dhibcaha buundada inta lagu jiro dugsiga sare.
Waxbarashada Mashruuca Ku Saleysan waa habka ay ardaydu ku heli lahaayeen aqoon iyo xirfado iyagoo u shaqeynaya muddo dheeri ah si ay u baaraan ugana jawaabaan su'aal dhab ah, isku-dar ah oo adag, xujo ama caqabad ah.
Waxbarashada Adeegga waxay isku-dubaridaa shaqada mashruuc bulshadeed, sida dejinta howlaha mutadawiciinta, oo leh daraasadaha fasalka.
STEAM waa qaab waxbarasho oo farsamooyin badan oo ku aadan waxbarashada kaasoo adeegsada sayniska, tignooloojiyada, injineeriyada, fanka iyo xisaabaadka oo ah bar gelitaanka hagaysa su'aalaha, wadahadalka, hal abuurka iyo fahakarka saliimka ah ee ardayda.
Barnaamijka Waxbarashada iyo Diyaarinta Qorista Macalimiinta (TREP) waa barnaamijka dugsiga sare ee lagu barto heerka fasallada shanaad iyo lixaad kaas oo u ogolaanaya ardayda xiisaynaysa xirfadda macalinimada in ay sii wataan waxbarashada oo ay dhigtaan heer waxbarasho kuleej oo laba sano kaas oo bilaash ah! Ardeyda TREP waxay helaan waxbarasho lacag la'aan ah iyagoo sidoo kale helaya adeego la-talin iyo taageero. Ardayda ka qalin jebinayso fasalka 12aad ayaa u qalma haddii ay buuxiyaan shuruudaha qalin-jabinta DPS, shuruudaha TREP ayna diyaar u yihiin waxbarashada kuleejka. Ardayda ka qalin jebiya dugsiga Kuleejka Hore ama P-TECH ayaan u qalmin TREP sida ku cad sharciga gobalka Colorado. Wixii xog dheeraad ah, la hadal la taliyaha dugsigaaga ama iimeyl u dir careerandcollegesuccess@dpsk12.org.

Guusha Shaqada Iyo Kuleejka
Webseedka: ccs.dpsk12.org
Iimeylka: careerandcollegesuccess@dpsk12.org
Adeegyada Xulashada iyo Diiwaan gelinta
Webseedka: schoolchoice.dpsk12.org
Iimeylka: schoolchoice@dpsk12.org
Taleefanka: 720-423-3493
Colorado Universal Preschool (UPK)
Webseedka: upk.colorado.gov
Iimeylka: universalpreschool@state.co.us
Taleefanka: 303-866-5223
Waxbarashada Dhallaanka
Webseedka: earlyeducation.dpsk12.org
Iimeylka: earlyeducation@dpsk12.org
Taleefanka: 720-423-2678
Adeegyada Gaarka ah ee Ardayga
Webseedka: ess.dpsk12.org
Iimeylka: ess@dpsk12.org
Taleefanka: 720-423-2400
Waxbarashada Dheeraadka ah iyo Dugsiyada Bulshada
Webseedka: elcs.dpsk12.org
Iimeylka: discovery_link@dpsk12.org
Taleefanka: 720-423-1781
Wada Shaqeynta Qoyska iyo Bulshada
Webseedka: face.dpsk12.org
Iimeylka: facehelpline@dpsk12.org
Taleefanka: 720-423-3054
Adeegyada Cuntada iyo Nafaqada
Webseedka: foodservices.dpsk12.org
Iimeylka: foodservices@dpsd12.org
Taleefanka: 720-423-5600
Hibada iyo Xirfadda
Webseedka: gt.dpsk12.org
Iimeylka: giftedandtalented@dpsk12.org
Taleefanka: 720-423-2056
Waxbarashada Luuqadaha Badan
Webseedka: mle.dpsk12.org
Iimeylka: dps_mle.groups@dpsk12.org
Taleefanka: 720-423-2040
Gaadiidka
Webseedka: transportation.dpsk12.org
Iimeylka: transportation@dpsk12.org
Taleefanka: 720-423-4600


Dooro xawaaraha adiga kugu habboon


Inaad bilowdaa way fududahay, iyadoo aan lagaa eegeyn kaarka amaahda islamarkaana aan lahayn shuruudo qandaraas.
Internet Essentials:
Internet Essentials oo ka socda Xfinity ayaa bixiya internet-ka guriga xawaaraha sarreeya ee qoyska u qalma kuna baxiya qiime bille ah oo hooseeya. Waxaad heli kartaa xawaare xowli ah, la isku hallayn karo ilaa 75 Mbps oo leh Internet Essentials mise ilaa 100 Mbps oo leh Internet Essentials Plus, iyadoo aan lahayn khidmadaha joojinta iyo qalabka oo aan lagu dallacayn qarash dheeraad ah.
Codso maanta haddii aad ka qaybqaadato barnaamijyada sida SNAP/EBT, Medicaid, mise Barnaamijka National School Lunch. Wixii khuseeya macluumaadka dheeraadka ah ee u qalmidda, booqo xfinity.com/getIE.
$14
95
Bishii
Shaqayso adigoo guriga jooga, wax ka baro onlyn, samee wicitaanno muuqaal ah iyo booqashooyin caafimaad oo telefoonka ah, iyo wax intaa kasii badan
Internet Essentials Plus: $29 95
Bishii
Shaqayso adigoo guriga jooga, wax ka baro onlayn, daawo filimada iyo bandhigyada, iyo wax intaa kasii badan – dhammaan isku mar
Hadda codso
Booqo xfinity.com/getIE Wac 1-844-963-0231
Booqo Dukaan Xfinity ah
Sawir ka qaad koodhka adigoo isticmaalaya kamarada telefoonkaaga
Heerka internet-ka kharashyada ayaa lagugu dallacayaa.

Xaddidaado ayaa saaran. Lagama heli karo dhammaan goobaha. Ku xaddidan macaamiisha degaanka ee 18 sano jirka ah mise ka weyn ee Internet Essentials (“IE”) ee buuxinaya heerka qiimaynta u qalmida. Lacag bixinta waxay dhaqan galaysaa 1/1/25 mise ka hor. Haddii macmiilka la go’aamiyo inaanu u sii qalmin barnaamijka IE, sicirrada caadiga ah ayaa lagu dabbakhi doonaa adeega internet-ka ee la doortay. Waxaa qabanaya shuruudaha iyo xeerarka barnaamijka Internet Essentials. Rakibaad xirfadaysan oo dheeraad ah. Qiimaha la xayeysiiyay wuxuu khuseeyaa hal meel. Xawaaraha dhabta ah waa uu kala duwan yahay lamana damaanad qaadayo. Wixii khuseeya sababaha saameeya xawaaraha booqo xfinity.com/networkmanagement. ©2025 Comcast. Dhammaan xaquuquhu waa dhawrsanyihiin. FLY-PHO-SOM-IE-YC-0225
